Xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee Koonfur Galbeed ayaa sii xoogeysanaysa, iyadoo dowladda federaalka iyo maamulka fadhigiisu yahay Baydhabo ay wadaan abaabul ciidan oo lagu doonayo in dib loogu qabsado deegaanno ay gacanta ku hayaan ciidamo taabacsan madaxweynihii hore, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Guddoomiyaha maamulka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa sheegay in Baydhabo oo keliya ay hadda gacanta ugu jirto maamulkiisa.
“Degmooyinka gobolka Baay maanta Baydhabo kaliya ayaa gacanteenna ku jirta.” ayuu yiri Aden Madoobe
Deegaannada la doonayo in dib loogu soo celiyo gacanta maamulka Baydhabo waxaa ka mid ah Qansaxdheere, Bardaale, Buurhakaba, Diinsoor iyo Awdiinle, kuwaas oo ay gacanta ku hayaan ciidamada taabacsan Laftagareen.
Aadan Madoobe ayaa Laftagareen iyo ciidamadiisa ku eedeeyay inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay ku lug lahaayeen weerarro iyo qaraxyo ka dhacay Baydhabo.
Aadan Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Xudur iyo Waajid ay diyaar u yihiin inay iska caabiyaan weerar kasta, xilli wararka ka imanaya gobolka ay tilmaamayaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay xoogagga Laftagareen ka wadaan deegaanno ku dhow Baydhabo iyo qaybo kale oo gobolka Baay ah.
Isbiirsiga abaabulka ciidamada, loollanka gacan-ku-haynta deegaannada iyo eedeymaha labada dhinac ayaa sii adkeynaya xaaladda gobolka.
Haddii xiisaddan aan lagu xallin wadahadal siyaasadeed, waxaa sii kordhi kara halista iska horimaadyo hubeysan oo saameeya amniga iyo dadka rayidka ah ee ku nool Baay iyo deegaannada ku xeeran.
Baydhabo ayaa weli ah xarunta ugu weyn ee loollanka siyaasadeed iyo ciidan ee Koonfur Galbeed, iyadoo maamulka Aadan Madoobe uu doonayo inuu dib ula wareego deegaannada laga saaray gacantiisa, halka ciidamada taabacsan Laftagareen ay sii wadaan dhaqdhaqaaqyadooda.
