Mudda qarni ku dhaw ayaa si joogta ah loo hadal hayay suurtogalnimo soo saarista shidaal ee Soomaaliya. Haddana waxaa wali waxaa jira shaki dad badan ku jira oo ku saabsan in dalka si dhab ah u ceegaaganayo shidaal (oil & gas). Si kasta, Arirnta waxaa isla qiray dhammaan machadyada iyo xeeldheerayaasha arrimaha batroolka daraasadeeyay, shirkaddaha shidaalka iyo hay’adaha caalamiga ah.
“Shaki kuma jiro in ay halkaas ku jirto (shidaal). Waxa keliya ee aan weli garaneyn waa inta ay le’eg tahay iyo heerka saxda ah ee suurtogalnimadeeda ganacsi, taasina waxay u baahan tahay daraasad dheeraad ah. Hase yeeshee, suurtogalnimadeedu waa mid aad u sarreysa… marka Soomaalidu isku tashato oo ay xasillooni hesho ama nidaam sameysato.”. Thomas O’Connor–injineer batrool ka tirsan Bangiga Adduunka, 1991.
Aragtidan waxaa sidoo kale la wadaaga Dr. Bill St. John, oo kamid ahaa khubarada caalamiga ah ee muddo dheer ku soo jiray warshadaha batroolka. Dr. Bill St. John waxa uu hore u soo noqday maareeyihii shirkadda “Hunt Oil” – ee ka hawlgeli jirtay dalalka Yemen, Itoobiya iyo Niger – halkaas oo uu door muuqda ka qaatay sahanno iyo daraasado la xiriira kheyraadka shidaalka. Intaa ka sokow, waxa uu si gaar ah baaritaanno ugu sameeyay batroolka dalalka Madagascar iyo Kenya, isaga oo falanqeeyay qaabdhismeedka dhulka, suurtogalnimada keydka shidaalka iyo caqabadaha farsamo ee ka hor iman kara soo saarista. Khibraddiisa iyo aragtidiisa ku dhisan cilmi iyo waayo-aragnimo ayaa ka dhigaysa mid miisaan leh marka laga hadlayo doodaha la xiriira suurtogalnimada batrool ee Bariga Afrika iyo Geeska Afrika guud ahaan.
Tariikh ahaan, Soomaaliya markii ugu horreysay ceel shidaal waxaa laga qoday sannadkii 1956-kii, gaar ahaan koonfurta dalka. Intii u dhaxeysay sannadihii 1950-meeyadii ilaa 1990-meeyadii. Soomaaliya waxa ay martigelisay shirkado badan oo caalami ah oo haystay shatiyo rasmi ah oo ay shidaal kaga baaraan dalka. Shirkadahaas waxaa ka mid ahaa “ExxonMobil”, “ConocoPhillips”, “BP”, “Eni” iyo “Shell”– kuwaas oo fuliyay sahanno kala duwan, gaar ahaan baaritaanno juqraafiyeed iyo “seismic” ah, si loo qiimeeyo suurtogalnimada keydka batroolka.
Xilligaas, rajada laga qabay in dalka uu yeesho kheyraad shidaal oo la taaban karo aad bay u sarraysay, inkastoo weli aan la gaarin heer soo saar rasmi ah. Si kastaba ha ahaatee, dabayaaqadii 1990-meeyadii, markii uu qarxay dagaalkii sokeeye ee dalka, xaaladda amni iyo midda siyaasadeed ayaa si weyn isu beddeshay; sidaas awgeed, dhammaan shirkadihii caalamiga ahaa ee ku hawlanaa sahminta shidaalka waxay si degdeg ah uga baxeen dalka, iyaga oo joojiyay hawlihii ay wadeen. Baxitaankaas degdegga ah waxa uu sababay in ay lunto ama burburto xog badan oo muhiim ah oo hore loo ururiyay – taas oo dib u dhac weyn ku keentay fahamka dhabta ah ee kheyraadka shidaalka Soomaaliya, isla markaana hakisay rejadii hore ee la xiriirtay horumarinta warshadaha batroolka ee dalka
Intii lagu jiray 1980-meeyadii, danaha shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka si weyn u soo jeestay Soomaaliya, ka dib markii shidaal laga helay Yeman. Sababta ugu weyn waxay ahayd in labada dal ay wadaagan Sooyaal jiyoolojiyeed (Geological history) oo isku dhow, gaara ahaan marka loo eego kala go`a dhulka Carabta iyo Afrika (rift systems).
Dhowr darasadood oo la sameeyay, Sideetameyadii ilaa maanta ayaa muujinaya in xeebaha iyo dhulka Soomaaliya ay leeyihiin saldhigyo dhagaxeed (basins) – oo muuqdo kuwa ay saameeymaan shidaalka iyo gaaska dabiiciga.
Waxayna taasi u horseeday in shirkado waaweyn u jeestaan sahminta shidaalka ee deegannada Puntland, Somaliland iyo xeebaha waqooyi ee Soomaaliya; iyaga oo rejeynaayo in dhulkaasi leeyahay kayd shidaal oo lamid ah midka Yemen. Inkastoo marar la arkay calaamado muujinaya jiritaanka shidaal, sida “Ceelkii Afgooye-1” oo sannadkii 1965-tii laga helay gaas yar, haddana ma jirto ceel si rasmi ah u laga soosaaray shidaal, ceelasha laga qodayna ay yihiin ilaa dhowr lixdan ceel. Waa tiro ceel oo aad u badan inta la qoday, balse waxaa aad u kala duwan in ceel shidaal la qodo iyo in lasoo saaro ama la helo.
Barefasoor Abiikar oo ah khabiir cilmiga dhulka iyo arrimaha shidaalka oo arrintaasi sharaxaad ka bixinaayay, waxa uu sheegay; “In dal uu leedahay iyo in laga helay waa labo kala duwan”. Soomaaliya, wax kasta oo “geology” ahaan loo baahnaa waa ay leedahay, balse wali lama helin ceel si toos ah u soo saaray shidaal.
Waxaa jiro haliso farsamo oo la wajaho –xagga sahanka shidaalka oo ku saleysanaa, “Anticlinal structures”, qaab-dhismeedyo aan si buuxda u jirin gudaha Soomaaliya. Waxaa lagu guuldaraystay in la helo “folds” weyn sida kuwa laga helo gobolka Khaliijka Carabta ama Waqooyiga Afrika. Taas beddelkeeda, cilmi-baarista waxay u wareegtay isticmaalka “stratigraphic traps” iyo sahamin horumarsan oo diiradda saaraya xeebaha Soomaaliya iyo meelaha dhulka hoose ah ee bacrinta leh.
Shirkadaha waweyn ee “Sinclair, Agip, & Conoco” ayaa qoditaanno iyo sahamin ballaaran ka sameeyay gobollo badan oo ka mid ah dalka. Ceelasha sida:- Sagaleh, Cotton, Marka, Afgoye, Bandar Beila, Hobyo, iyo Afmadow , ayaa dhammaantood muujiyay calaamado saliid iyo gaas ah (oil/gas shows); waxaa se la waayay waxsoosaar ganacsi ah oo joogto ah, waana halka dhibtu ka jirta.
Sanadkii 2012-kii, dowladda Soomaaliya waxay si rasmi ah uga baxday kumeelgaarnimadii, kaddib, doorashadii madaxweynihii 8aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiekh Maxamuud, Xilligaas, waxaa dib loo dardargeliyay hawlihii sahminta shidaalka, iyada oo shirkado ay ka mid yihiin TGA, SomOil Gas, iyo Spectrum, ay bilaabeen marxaladdii labaad ee qaabeynta iyo sahminta shidaalka, gaar ahaan xeebaha Soomaaliya.
Sannadkii 2018, dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu waxay si wadajir ah qalinka ugu duugeen Heshiiska Baydhabo – kaas oo lagu heshiiyay nidaamka maareynta iyo qaybsiga dakhliga ka soo baxa kheyraadka shidaalka. Waxaa sannadkii 2019, shirkadaha Shell iyo Exxon (ExxonMobil), loo oggolaaday inay sii wadaan hawlihii sahminta shidaalka oo ay bixiyaan lacag dhan 1.7 milyan oo doollar – taas oo kamid ahayd waajibaadyo ku jiray heshiisyadii hore ee ay la galeen dowladda Soomaaliya. Sannadkii 2020, ayaa si rasmi ah loo ansixiyay Sharciga Batroolka, waxaana la aas-aasay Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed – si ay u maamusho una hagto dhammaan hawlaha la xiriira shidaalka iyo gaaska dalka.
Baaritaanno iyo sahanno tiro badan ayaa muddo dheer lagu sameeyey khayraadka dabiiciga ah oo laga baadi goobayay barriga (onshore), waxayna diiradda saareen dhulka gudihiisa, iyadoo lagu ogaanayay suurtogalnimada shidaal iyo gaas, balse duruufo amni, siyaasadeed, iyo farsamo ayaa caqabad ku noqday in sahanka u gudbo heer wax soosaar. Hase yeeshee, Sanadkii 2024, ayay mar kale Soomaaliya qaaday jiho cusub, iyadoo marka si rasmi ah ugu wareegtay sahanka batroolka iyo shidaal ee badda (offshore).
Isbeddelka wuxu yimid kaddib, Maarso 2024, heshiis iskaashi iyo sahan oo rasmi u dhex maray Dawladaha Turkiga iyo Soomaaliya – kaas oo saldhig u noqday in la bilaabo sahamin ballaaran oo laga sameynaayo badda Soomaaliya. Tallaabada ugu muhiimsan ee marxaladdan waa sahanka “3D Seismic”, kaas oo noqonaya kii ugu horreeyay ee si buuxda looga fuliyo dhul-badeedka Soomaaliya. Sahankan waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa aag ballaaran oo qiyaastii gaaraya 80,000– kiiloomitir oo laba jibbaaran, kuna yaalla inta u dhaxaysa Mareeg iyo Hobyo.
Xogta laga filayo sahankan ayaa la rumeysan yahay in ay si qoto dheer u muujin karto qaab-dhismeedka dhulka hoostiisa, kana jawaabi karto su’aalaha ku saabsan jiritaanka iyo tayada kaydka shidaalka. Halkaas oo lagu bartilmaameedsaday seddex xirmo oo kale ah; 142, 152 iyo 153, labo baloog oo kamid ah waxey xeebta ka fogyihiin in ku dhaw 50 km, halkla midna uu u jiro in ku dhaw 100 km.
Howlgalka sahminta Soomaaliaya ayaa billawday horraantii sanadkii hore 2025, ayaa la soo gabagabeeyay bartamihii bishii June ee isla sanadkaas; iyadoo intii uu socday sahanku loo adeegsaday farsamooyin iyo qalabyo casri ah oo jiyo fisikis ah, kuwa oo lagu doonayay in lagu helo sawir dhameystiran oo ku saaabsan qaab-dhismeedka ee dhulka hoostiisa ee badda.
Sababta ugu weyn ee loo doortay sahanka badda ayaa ahayd dhinaca amniga iyo fudaydka hawlgalka, maadaama badda aysan ka jirin caqabado amni oo lamid ah kuwa ka jira barriga. Sida ay tilmaamayaan xeeldheerayaasha arrimaha shidaalka, sahanka offshore-ka ahi. wuxuu ka khatar iyo kharash yar yahay kan dhulka marka la eego xaaladda guud ee dalka, isla markaana uu siinayaa sawir ballaaran oo isku xiran oo kor u qaadaya fursadda lagu ogaan karo kayd shidaal oo ganacsi ahaan la isticmaali karo.
Markabka sahminta ee “Oruç Reis” ee Sahanka qodista shidaal ee Soomaaliya ayaa 9, bilood oo xiriir ah ka waday hawlo cilmi-baaris ah biyaha badda. Cilmibaaristan oo laga fuliyay dhul badeed dhan 4,465 kiiloomitir oo laba jibbaaran ayaa noqotay tallaabo taariikhi ah oo markii ugu horreysay dalka laga hirgeliyo. Dawlada Turkiga ayaa rumeysan in Soomaaliya ay leedahay khayraad tamareed oo muhiiim ah oo badeed, soomaalina u noqon kara mustaqbal wanaagsan.
Turkiga ayaa si cad u muujiyay in sannadkaan 2026, uu noqon karo taariikhda markii u horreysay ee Soomaaliya ay si rasmi ah uga billaabanayso qodista shidaalka iyo khayraadkeeda dabiiciga ah – oo ah tallaabo haddii ay hirgasho beddeli karta mustaqbalka dhaqaale ee dalka. Hadal uu sheegay wasiirka Tamarta Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayuu ku shaaciyay in Ankara ay soo iibsatay maraakiib cusub oo si gaar ah loogu talogalay baarista iyo soo saarista khayraadka ku jira xeebaha Soomaaliya.
“Sanadkan waxaan fulinnay hawlgallada seismic-ka, waxayna u badan tahay in 2026 uu noqon doono sannadkii qodista rasmiga ah ee xeebaha Soomaaliya.”, ayuu yiri, wasiirka Tamarta Turkiga – Alparslan Bayraktar –
Wuxuu intaas ku daray in natiijo rasmi ah oo ku saabsan halka iyo sida qodistu u bilaabmi doonto lagu dhawaaqi karo bisha Janaayo 2026, taas oo ka dhigan in wejigii qiyaasta iyo saadaasha uu marayo heer gabagabo ah.
Turkigu ayaa qorsheynaya in uu baaro khayraadka ku jira dhulka Soomaaliya, taas oo u baahan qorshe amni oo adag, maalgashi weyn iyo kaabeyaasha lafteeda oo dowladdu aysan maanta haysan. Bayraktar wuxuu qiray in goobaha lagu tuhmayo shidaalka ay yihiin kuwo aan waddooyin gaarin, taasoo micnaheedu yahay in marka hore la dhisi doono wadooyin, adeegyo iyo xarumo tababar oo ka dhigaya in howsha qodista dhulka Soomaaliya ay noqoto mid dhab ah oo suurtagal ah arrin u baahan lacag badan iyo waqti qorsheysan.
Ugu dambayn, soo saarista shidaalka Soomaaliya ma aha oo keliya arrin farsamo ama dhaqaale, balse waa imtixaan siyaasadeed, amni iyo mid bulsho oo go’aamin doona sida uu dalku u maareeyo kheyraadkiisa, isla markaana u dhiso mustaqbal ku dhisan hufnaan, wadaag iyo horumar waara.
Dhammaad
TIXRAACYO:
1. _The Oil Factor in Somalia: Four American petroleum giants had agreements with the African nation before its civil war began. They could reap big rewards if peace is restored. — Los Angeles Times (1993) Link
2. _Buugga Taariikhda Taxan, iyo Dhaqanka Soomaaliyeed
3. _Buugga Dagaalka Ranjariska
4. Prof Abiikar. somalia_oil_potential.pdf https://share.google/GQeo80hZiSlg1I4aH
5. Warbixin Retuers(https://www.reuters.com/business/energy/turkey-send-ship-search-oil-gas-off-somalia-coast-2024-07-18)
6. Sharciga Batroolka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya( https://share.google/VnlL1tlEwbdVMuDH7)
7. Warbixin Retuers ( https://www.reuters.com/business/energy/turkey-signs-energy-cooperation-deal-with-somalia-2024-03-)
8. Barnaamij u jeediyay prof Abiikar (https://youtu.be/ggTEMSXxxKI?si=APoFbHuclONlEQP-)
W/Q: Ismaaciil Dhuubow
Qore iyo Arday Daraaseeya Culuumta Jiyoolajiga.
Afeef: Maqaalkasta oo ku soo baxa bogga Aragtida dadweynuhu ee Somali24tv, waxa ay gaar u yihiin Qoraaga kamana turjumayaan Aragtida Warbaahinteenna.
