August 12, 2026

Ciidanka Danab ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, qeybta Puntland, uu hoggaamiyo General Jimcaale Jaamac Takar, ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay ku sheegeen in ay ka soo horjeedaan dagaalka iyo colaadaha ka taagan Puntland.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in khilaafaadka lagu xalliyo wada hadal. Sidoo kale, waxaa la xusay in Ciidanka PSF ay muddo dheer door muhiim ah ka qaadanayeen sugidda amniga Puntland.

Ciidanka Danab ayaa Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ku eedeeyay in uu hurinayo colaadaha ka aloosan Puntland, iyagoo sheegay in tani ay tahay markii afraad ee dagaal laga abaabulo deegaanno ay ku tilmaameen kuwo nabdoon.

Horey, Puntland ayaa eedeyma u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Maamulka ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu hagayo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo lagu wiiqayo amniga Puntland, isla markaana lagu hurinayo iska horimaadyo gudaha maamulka.

Bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Puntland 25-kii Luulyo ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka uu ka dambeeyo abaabulka ciidamo la sheegay in lagu beegsanayo Puntland. Puntland waxay sidoo kale soo saartay war-saxaafadeed kale oo sii xoojiyay mowqifkeeda, iyadoo si cad u sheegtay in Ciidanka PSF aysan sharci ahaan ka tirsanayn ciidamada difaaca Puntland.

Dhacdooyinkan ayaa muujinaya in khilaafku uusan hadda ku koobnayn Bosaso ama Gaalkacyo oo keliya, balse uu galay marxalad siyaasadeed iyo mid amni oo aad u xasaasi ah.

Puntland waxay si toos ah mas’uuliyadda ugu eedeysay Madaxweynaha Dowladda Federaalka, waxayna caddeysay inay diiddan tahay joogitaanka ciidamo federaal ah gudaha deegaannada ay maamusho.

Haddaba, xaaladdan ayaa ka dhigaysa xiisadda u dhexeysa Puntland iyo Dowladda Federaalka mid gaartay heerkii ugu xasaasisanaa ee muddooyinkii u dambeeyay, iyadoo baaqyada nabadda iyo wada hadalku ay sii kordhayaan.

Leave A Reply

Exit mobile version