Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Laakiin doorashadiisa waxay dib u soo celisay su’aal ka weyn kursiga guddoomiyaha. Dastuurka cusub ma si dhab ah ayaa loo dhaqan gelinayaa?
Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa ku guuleystay doorashadii Guddoomiyaha Golaha Shacabka, isagoo helay 142 cod, halka musharraxii la tartamayay, Cabdiqaadir Cumar Macallin Daada, uu helay 30 cod.
Laakiin markii uu tartamayay, Cabdiqaadir Maxamed Nuur wuxuu weli ahaa Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda. Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed, wuxuu xilka wasiirnimo iska casilay maalintii loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Arrintan ayaa keeneysa dood ku saabsan qodobbada Dastuurka cusub ee khuseeya kala saarista xilalka dowladda. Jaamac wuxuu islaa xildhibaan iyo wasiir. Laakiin Cabdiqaadir Maxamed Nuur ma aha qofka keliya ee dooddan lagu eegayo. Waxaa jira mas’uuliyiin kale oo su’aalo laga keenay…
Kaddib ansixintii Dastuurka cusub, waxaa jiray xildhibaanno loo magacaabay xilal wasiirnimo, iyadoo weli lagu arkayay howlo iyo kulamo ka tirsan Golaha Shacabka, iyo wasiirro sidii Jaamac xildhibaanimo doontay.
Taasi waxay dhalisay su’aal sharci iyo mid siyaasadeed: Xildhibaan ma isku mar noqon karaa wasiir iyo xubin ka tirsan Baarlamaanka? Mucaaradka iyo qaar ka mid ah dadka ku xeeldheer arrimaha sharciga ayaa dowladda ku eedeeyay in aysan si buuxda u dhaqan gelin Dastuurka cusub.
Waxay tilmaamayaan in dowladda ay Dastuurka u adeegsanayso inay ku difaacdo go’aannadeeda siyaasadeed, halka marka ay timaaddo hay’adaha dowladda qaarkood ay jiraan dhaqammo aan weli si buuxda ula jaanqaadin dastuurka.
Waxaa jirta arrin kale oo doodda iyo khilaafka siyaasadeed sii adkeyneysa. Mucaaradku, gaar ahaan Madasha Mustaqbalka waxay leeyahiin Dastuurka cusub ma aqoonsanin. Qaar ka mid ah mucaaradka Soomaaliya ayaa ku adkeysanaya Dastuurkii KMG ahaa ee 2012.
Waxay ku doodayaan in wax-ka-beddellada cusub aysan ku imaan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Dowladdu se waxay leedahay Dastuurka cusub, oo Baarlamaanka ansixiyay bishii Maarso 2026, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuudna saxiixay, ayaa ah sharciga maanta hagaya hay’adaha dowladda.
Sidaas darteed, doorashada Cabdiqaadir Maxamed Nuur ma aha keliya isbeddel ku yimid hoggaanka Golaha Shacabka. Waxay mar kale iftiimisay doodda ku saabsan Dastuurka cusub, kala madax-bannaanida hay’adaha dowladda iyo sida sharciga cusub loogu dhaqmi doono.
Waxaa se weli la jirta suaasha ah, dastuurka cusub ma noqon doonaa xeer ay dhammaan dhinacyadu si isku mid ah ugu hoggaansamaan?
