Dagaal culus ayaa mar kale ka qarxay waqooyiga Itoobiya, iyadoo Tigray, Cafar iyo Amxaaro ay yihiin goobolada ugu waaweyn ee isku dhacyadu ka socdaan. Waxaase arrinta ka sii dhigaya mid xasaasi ah, kooxo horey dagaal isaga soo horjeeday ayaa hadda hal dhinac ka noqday dowladda Federaalka.
Dagaallada u dhexeeya ciidamada dowladda Itoobiya iyo xoogagga xiriirka la leh TPLF ayaa sii xoogeysanaya. Isku dhacyadu waxay ka socdaan Tigray, iyadoo dagaalku ku fiday gobollada Cafar iyo Amxaaro. Aagga Abala ee Cafar waxaa laga soo sheegay dagaallo culus.
Ilo kala duwan ayaa sheegaya in Tigray ay la wareegtay Abala, halka ilo kale ay sheegayaan in ciidamada dowladda ay iska caabiyeen weerar lagu doonayay in magaalada lagu qabsado. Gobolka Amxaarada, dagaalku wuxuu gaaray deegaanno ka tirsan Waqooyiga Wollo, iyadoo isku dhacyo xooggan laga soo sheegay agagaarka Lalibela.
Dagaallada ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaha Lalibela ayaa sababay in la hakiyo duulimaadyadii garoonka. Dagaalkii Tigray ee 2020 ilaa 2022, xoogagga Fano ee Amxaarada waxay la dagaallamayeen TPLF iyagoo garab siinayay dowladda Federaalka.
Maanta, kooxihii horey isaga soo horjeeday waxay ku biireen isbahaysi cusub oo ka kooban toddobo kooxood oo hubeysan. Ujeeddadoodu waa inay si wadajir ah uga hor yimaadaan dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.
Isbahaysigan waxaa ku jira kooxo ka kala socda Tigray, Amxaaro, Oromia iyo gobollo kale. Tani waxay wax weyn ka beddeli kartaa qaabka uu u socdo dagaalka Itoobiya. Kooxo dhowr sano ka hor dagaal isaga soo horjeeday ayaa hadda iska kaashanaya dhinaca milatari iyo siyaasadda, maadaama ay wadaagaan mucaaradnimada dowladda dhexe.
Maxaa sababay in colaaddii Tigray ay mar kale soo laabato?
Inkasta oo heshiiskii nabadeed ee November 2022 uu soo afjaray dagaalkii weynaa ee Tigray, khilaafaadyo badan ayaa weli taagan. Waxaa ka mid ah hub ka dhigista ciidamada Tigray, mustaqbalka Galbeedka Tigray, dib u celinta dadka barakacay iyo maamulka dhulalka lagu muransan yahay. Dowladda Itoobiya waxay TPLF ku eedeysay inay bilowday xiisadda cusub.
Hadda dagaalku kuma eka Tigray. Wuxuu gaaray Cafar iyo Amxaaro, Taasi waxay kordhisay cabsi laga qabo in Itoobiya ay gasho dagaal dhinacyo badan leh. Waxaa sidoo kale jira walaac laga qabo in Eritrea ay mar kale ku lug yeelato xiisadda, xilli xiriirka Addis Ababa iyo Asmara uu weli yahay mid xasaasi ah.
Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo IGAD ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka, lana soo laabto wadahadalka. Dagaalku wuxuu ka socdaa Tigray ilaa Cafar iyo Amxaaro. Duulimaadyada Lalibela ayaa la hakiyay. Kooxo horey dagaal isaga soo horjeedayna waxay hadda sameysteen isbahaysi cusub. Waxa weli aan caddayn ayaa ah in tani tahay xiisad kooban, ama bilowga marxalad cusub oo dagaalka Itoobiya ah.
