August 12, 2026

Barta rasmiga ah ee Facebooga Golaha Shacabka ayaa lagu baahiyay war sheegaya in Guddoomiyaha Golaha uu ku dhawaaqay musharraxnimadiisa xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Qoraalkaas ayaa markii dambe laga saaray barta, kaddib markii uu dhaliyay hadal-hayn ballaaran.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa hore u sheegay in uu dhaqan galay Dastuur cusub, kaas oo qeexaya in madaxweynaha dowlad-goboleedyada loo aqoonsan yahay hoggaamiyaha ugu sarreeya maamulka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Xoosh, oo ku sugan magaalada Baydhabo, ayaa isna sheegay in loo arko Aadan Madoobe inuu yahay musharrax ku habboon xilka, maadaama uu yahay shaqsi hore loo soo tijaabiyay oo khibrad leh.

Xisbiga JSP, oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii ugu horreysay shaaciyay musharraxa uu u wado tartanka xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysaneysa hirgelinta nidaamka doorasho ee “qof iyo cod”, kaas oo la qorsheynayo in laga hirgeliyo maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Inkastoo dowladda ay ku tilmaantay hannaankan mid dimuqraadi ah, haddana mucaaradka ayaa aaminsan in loo baahan yahay heshiis siyaasadeed oo ballaaran.

27-kii April, Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay in 10-ka May 2026 la qaban doono doorasho qof iyo cod ah, taas oo lagu dooranayo goleyaasha wakiillada iyo goleyaasha deegaanka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Doorashadan ayaa markii hore loo qorsheeyay inay dhacdo 28-ka isla bishan, balse dib ayaa loo dhigay.

Leave A Reply

Exit mobile version