November 13, 2026

Duqeyn ayaa lala beegsaday hoyga Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, General Mahad Cabdiraxmaan “Shub”. General Shub ayaa la sheegay inuu dhaawacmay, halka qaar ka mid ah ehelladiisa iyo ilaaladiisa ay ku dhinteen weerarka.

Laakiin waxa ka dhashay ma aha keliya su’aasha ku saabsan cidda fulisay duqeynta. Waxaa hadda taagan dood ka sii weyn: Ma hubkii loogu talagalay dagaalka Al-Shabaab ayaa loo adeegsanayaa khilaafka siyaasadda gudaha Soomaaliya?

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag uga falceliyay weerarka. Sheekh Shariif wuxuu sheegay in duqeyntu ahayd shirqool siyaasadeed oo si qorsheysan loo abaabulay, halka Farmaajo uu ku tilmaamay weerarka mid dhaawacaya dowlad-dhiska iyo dib-u-heshiisiinta.

Farmaajo wuxuu sidoo kale sheegay in khilaafka Koonfur Galbeed lagu xalliyo wada-hadal, ee aan xoog loo adeegsan. Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ayaa isaguna cambaareeyay weerarka.
Khayre wuxuu sheegay in khilaafaadka siyaasadeed aan lagu xallin karin xoog iyo duqeymo cirka ah.

Wuxuu ka digay in adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hubeysan ay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya uga sii dari karto.

Dowladdu waxay sheegtay in aysan wax lug ah ku lahayn dhacdada Doolow. Sida ay dowladdu sheegtay, xogaha horudhaca ah ayaa muujinaya in qaraxyadu ka dhasheen walxo qarxa oo gudaha guriga lagu diyaarinayay. Taasi waxay si toos ah uga duwan tahay sheegashada ah in guriga duqeyn cirka ah lagu beegsaday.

Marka hadda waxaa miiska saaran laba arrin oo si weyn u kala duwan. Dhinac wuxuu leeyahay: duqeyn ayaa dhacday. Dowladduna waxay leedahay: qarax ayaa ka dhashay waxyaabo qarxa oo guriga lagu diyaarinayay.

Haddaba: Waa maxay xaqiiqada?

Jubbaland ayaa iyaduna si gaar ah u eedeysay Türkiga iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Türki ayaa illaa hadda haddii si rasmi ah uga jawaabin eedeymha la xiriira mas’uuliyadda weerark

Haddii baaritaan madax-bannaan lagu xaqiijiyo in duqeyn cirka ah lagu qaaday hoyga General Shub, su’aalaha waxay noqon doonaan kuwo aad uga waaweyn dhacdada lafteeda: Yaa bixiyay amarka? Yuu ahaa bartilmaameedka? Hubkee ayaa la adeegsaday? Yaa maamulayay hawlgalka? Iyo— ma loo adeegsaday awood milatari oo loogu talagalay la-dagaallanka kooxaha hubeysan khilaaf siyaasadeed oo gudaha ah?

Leave A Reply

Exit mobile version