August 12, 2026


Soomaaliya waa dal ay dhallinyaradu u badan yihiin—qiyaastii 70% shacabka ayaa ka yar 30 sano. Waa jiil weyn oo awood leh, balse maxay ku mashquulsanyihiin, mana lasocdaan arrimaha siyaasadeed ee dalka?
Inkasta oo ay yihiin tirada ugu badan, Gen Z-da Soomaaliyeed intooda badan waxay u muuqdaan kuwo ka fog arrimaha siyaasadda. Codkooda si cad looma maqlo, mana u muuqdaan inay si firfircoon uga qeyb qaadanayaan doodaha socda.


Dhallinyaro badan ayaa qaba in siyaasadda ay tahay arrin u gaar ah jiilalka ka horreeya. Halkii ay ka qeyb qaadan lahaayeen doodaha masiiriga iyo mustaqbalka, waxay xiiseeyaan vlog-yada baraha bulshada, filter-ada Snapchat-ka iyo majaajilada

Arrimaha waaweyn sida dastuurka—oo ah saldhigga dowladnimada—xitaa kama aysan bixin falcelin muuqata. Qaar badan ayaa xitaa la yaabay sida dastuurku u ahaa qabyo iyo hadda waxa la dhameystiray waxa ay yihiin.


Si kastaba, waxaa jira codad ka dhex muuqda bulshada. Sacdiya Macallin Cali oo ah darawal bajaaj ayaa ah gabar da’ yar oo hadana ayaamahan si cad u muujisay aragtiyadeeda, ayadoo tusaale u ah in fahamka iyo hadalka aysan ku xirnayn xil ama darajo. Marka la barbar dhigo dunida kale, Gen Z waa jiil codkooda si xooggan u muujiya—waxay dalbadaan isla xisaabtan, cadaalad iyo ka-qeybgal.

Haddaba maxaa ka dhigaya Gen Z-da Soomaaliyeed kuwo ka aamusan arrimaha quseya nolosha iyo mustaqbalka dalka sida siyaasadda, dhaqaalaha,iyo arrimaha bulshada? Ma waxaa jiro kalsooni darro? Mise faham la’aan? Waa su’aal furan, laakin mustaqbalka dalka wuxuu ku xiran yahay jiilkan maanta

Leave A Reply

Exit mobile version