Golaha Mustaqbalka ayaa sheegay inay 4-ta bisha Juun qaban doonaan bannaanbaxyo kale oo ka dhan ah dowladda
Goluhu wuxuu sheegay in dibadbaxyadu ay dhici doonaan maalin kasta oo Khamiis ah ilaa laga gaarayo heshiis siyaasadeed oo laga yeesho hannaanka doorashooyinka dalka.
Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa isu-soo-baxyada ku tilmaamay kuwo nabadeed, iyagoo shacabka Muqdisho ugu baaqay inay si buuxda uga qeyb qaataan
Golaha ayaa sidoo kale dhaliilay doorashadii dhowaan ka dhacday Koonfur Galbeed, iyagoo sheegay in Baydhabo aysan ka howlgelin ciidamo daraawiish iyo boolis rasmi ah, balse ay halkaas joogaan ciidamo ka tirsan militariga Federaalka.
Siyaasiyiinta golaha ayaa ku dooday in muddadii rasmiga ahayd ee dowladda ay dhammaatay, isla markaana waqtigii Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhacay, sidaas darteedna uu hadda yahay “madaxweynihii hore.”
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u beenisay sheegashada mucaaradka ee ah in muddo xileedka madaxweynaha dhammaaday.
Horay waxaa u baaqday bannaanbaxyo ay mucaaradku iclaamiyeen, kaddib dadaallo ay dowladda ku dooneysay inay ku baajiso isu-soo-baxyadaas.
Taariikhaha ugu waaweyn ee arrintaas lagu xusuusto waxaa kamid ah 11-ka May iyo 16-ka bishan.
Haddaba, maxaa la filan karaa 4ta Juun? Dowladda ma ku guuleysan doontaa inay mar kale baajiso dibadbaxyada mucaaradka, mise waxay noqon doonaan kuwo dhab ahaan u qabsoomi kara?
