Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika, AFRICOM, ayaa xaqiijiyay in inta badan ciidamadii Mareykanka ee ku sugnaa saldhigga diyaaradaha ee Ballidoogle, gobolka Shabeellaha Hoose, loo wareejiyay magaalada Muqdisho.
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii ay xumaadeen xaaladda dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee saldhigga, taas oo khatar gelisay badqabka diyaaradaha.
Ku-xigeenka taliyaha AFRICOM, Jeneraal John Brennan, oo 10-kii bishan November ka hadlayay warbaahinta, ayaa sheegay in xaaladda dhabaha diyaaradaha ay gaartay heer aysan ammaan ahayn in diyaaraduhu ku degaan.
Wuxuu sheegay in dib-u-dayactirka dhabaha uu u baahan yahay tobannaan milyan oo dollar, isla markaana go’aanka ciidamada loogu wareejiyay Muqdisho uu salka ku hayo arrimo dhaqaale, ee uusan ahayn isbeddel ku yimid taageerada amni ee Mareykanka uu siiyo Soomaaliya.
Brennan ayaa sidoo kale sheegay in go’aanka rarista ciidamada la gaaray ku dhowaad sanad ka hor, kaddib markii la ogaaday in aan la hayn dhaqaalihii lagu dayactiri lahaa dhabaha diyaaradaha.
Saldhigga Ballidoogle ayaa ka mid ah xarumaha milatari ee ugu muhiimsan ee Mareykanku ku leeyahay Soomaaliya, waxaana uu door weyn ku lahaa howlgallada milatari iyo tababarka ciidamada amniga Soomaaliya, gaar ahaan cutubka sida gaarka ah u tababaran ee Danab.
Inkasta oo Mareykanku xaqiijiyay in ciidamadiisa badankood laga raray Ballidoogle, haddana mas’uulka AFRICOM ma uusan sheegin tirada rasmiga ah ee ciidamada la wareejiyay, mana caddayn in weli ay jiraan askar Mareykan ah oo ku sugan saldhigga.
Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan mustaqbalka hawlgallada iyo tababarrada milatari ee saldhigga, iyo saameynta ay ku yeelan karto taageerada Mareykanka ee ciidamada Danab.
Ku-xigeenka taliyaha AFRICOM ma uusan faahfaahin qorshaha mustaqbalka ee saldhigga Ballidoogle iyo sida ay u sii socon doonaan hawlaha milatari ee halkaas laga fulin jiray.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu carrabka ku adkeeyay in rarista ciidamada aysan ka dhignayn isbeddel ku yimid iskaashiga amni ee Washington iyo Muqdisho, balse ay tahay go’aan la xiriira caqabadaha farsamo iyo dhaqaale ee ka jira dhabaha diyaaradaha saldhigga.
