August 12, 2026

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya iyo Hay’adda Teknolojiyadda iyo Isgaarsiinta Turkiga (BTK), ayaa kala saxiixday heshiis Is-Afgarad ah (MoU) – kaas ay Hay’adda Isgaarsiinta Soomaaliya ku sheegtay in lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee isgaarsiinta elektaroonigga ah.

Heshiiska is-Afgaradka ah ayaa ka dhacay xarunta dhexe ee Hay’adda BTK ee Ankara, iyaga oo halkaas ku kala saxiixay Mustafa Yaasin Sheikh, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Ömer Abdullah Karagözoğlu, Guddoomiyaha Hay’adda Teknolojiyadda Macluumaadka iyo Isgaarsiinta Jamhuuriyadda Türkiye.

Heshiiskan ayaa ah mid ay iska kaashan doonaan dhinacyada: nidaaminta isgaarsiinta dayax-gacmeedka, amniga saaybarka, hirgelinta kaabeyaasha internet-ka baahsan, adeegyada isgaarsiinta, nidaaminta internet-ka, iyo qoddobo kale oo nidaamineed oo la xariira isgaarsiinta elektaroonigga ah.

“Annagoo u mareyna iskaashigan, waxaan kor u qaadaynaa is-weydaarsiga aqoonta, khibradda nidaaminta, si kor loogu qaado qeybaha isgaarsiinta ee mustaqbalka fog ee labada dal ee Türkiye iyo Soomaaliya.” – ayuu yiri, Mudane Ömer Abdullah Karagözoğlu – Guddoomiyaha Hay’adda BTK

Dhankiisa, Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa ka hadlay muhiimadda heshiiska, isagoo xusay in Heshiiskani uu xoojinayo wada-shaqeynta hay’adeed ee u dhexeysa HIQ iyo BTK, sidoo kale uu taageerayaa dhisidda awoodda shaqaalaha, iyo is-weydaarsiga aqoonta.

Leave A Reply

Exit mobile version