10-ka May, oo ku beegan maalinta Axadda, ayaa lagu wadaa in maamulka Koonfur Galbeed laga qabto doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo Golaha Wakiillada — sida ay qorsheeyeen Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.
Magaalada Baydhaba ayaa laga dareemayaa abaabul siyaasadeed oo xooggan, iyadoo shalay ay halkaas gaareen hoggaanka Xisbiga JSP iyo wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo si weyn ugu ololeynayay musharraxa xisbiga, Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Doorashooyinka ayaa la qorsheeyay in laga qabto 11 degmo oo ka kala tirsan gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose. Degmooyinkaasi waxaa kamid ah Baydhabo, Bardaale, Qansaxdheere, Diinsoor, Buurhakaba, Xuddur, Waajid, Wanlaweyn, Afgooye, Baraawe iyo Marka.
Mucaaradka ayaa muujiyay diidmo xooggan oo ku aaddan hannaanka doorashooyinka socda.
Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in doorashooyinkan ay noqonayaan kuwo qof iyo cod ah, taas oo ka dhigeysa Koonfur Galbeed maamulkii ugu horreeyay ee dalka ka hirgeliya nidaamkan.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa hore u shaaciyay in 28-kii April loo asteeyay qabashada doorashooyinkan isku sidkan, balse dib ayay u dhacday, waxaana mar kale loo muddeeyay 10-ka May — oo ku beegan berri.
