Warqaddii ay Golaha Mustaqbalka u direen hoggaamiyeyaasha dalalka ciidamada ku leh AUSSOM, iyagoo codsanaya in shirka Kampala looga hadlo xal siyaasadeed, ayaa dhalisay falcelin kala duwan.
Qoraalkaas ayaa lagu soo jeediyay in la dhiso gole ku meel gaar ah oo loo dhan yahay, kaas oo hoggaamin doona dib-u-eegista dastuurka iyo geeddi-socodka doorashooyinka.
Laakiin soo jeedintaas ayaa hadda wajahaysa mucaarad ka yimid dhinacyo kala duwan, oo ay kamid yihiin xitaa gudaha Golaha Mustaqbalka. Xubno ka tirsan Xisbiga Haybad Qaran, oo qayb ka ah Golaha Mustaqbalka, ayaa si cad uga hor yimid fikradda golaha ku meel gaarka ah, iyagoo ka digay in aysan waafaqsaneyn danta qaranka.
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, Taabit Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in dhismaha gole ku meel gaar ahi uu wiiqayo dowladnimada, isla markaana uu dalka dib ugu celin karo marxalado hore. Wuxuu ku baaqay in xal lagu raadiyo wada-hadal iyo tanaasul dhex mara dowladda iyo mucaaradka.
Sidoo kale, Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay inay tahay arrin lala yaabo in beesha caalamka laga codsado in Soomaaliya loo dhiso gole ku meel gaar ah, isagoo ku tilmaamay tallaabadaas mid ka hor imanaysa danta iyo dowladnimada Soomaaliya.
Dowladda Federaalka ayaa muujisay mowqif adag.
Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda ay si adag uga hortagi doonto waxa uu ku tilmaamay qorshayaal lagu carqaladeynayo dowladnimada, isagoo xusay in loo wajihi doono sidii looga hortagay dhacdooyinkii bishii Juun.
Hase yeeshee, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah hoggaanka Golaha Mustaqbalka, ayaa difaacay warqadda.
Wuxuu sheegay in ujeeddadu aysan ahayn in shirka Kampala looga hadlo ciidamada oo keliya, balse sidoo kale in madaxda ciidamada ku deeqay AUSSOM lagu baraarujiyo in Soomaaliya ay ka jirto ismariwaa siyaasadeed oo u baahan xal, maadaama xasilloonida siyaasadeed ay saldhig u tahay guusha howlgal kasta oo amni.
Iyadoo shirka Kampala uu soo dhowaanayo, ma ku ekaan doonaan wada-hadalladu arrimaha ciidamada, mise hoggaamiyeyaasha gobolka waxay sidoo kale miiska saari doonaan khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya? Waxaa jawaabta laga sugayaa madaxda dalalka ciidamada ku biiriya AUUSOM.
