Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa sheegay in “bannaanbaxa in lagu soo aadiyo (maalin) dalka meelo kamid ah doorasho ay ka dhaceyso” balse hadalkaasi wuxuu durba dhaliyay su’aalo kale oo xooggan oo la xiriira waxa uu ka aamusay.
Su’aasha ugu weyn ee la isweydiinayo ayaa ah sababta uusan Madaxweynuhu uga hadlin dhimashada iyo dhaawacyada ka dhashay bannaanbaxyadii ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan degmada Deyniile, halkaas oo ugu yaraan hal qof uu ku dhintay tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Waxaa sidoo kale la isweydiinaya sababta uusan Madaxweynaha u xusin cabashooyinka ay mucaaradka iyo shacabka bannaanbaxyada dhigaya sheegayaan inay sabab u yihiin mudaharaadyada oo ay kamid yihiin barakicinta dadka danta yar, burburinta guryaha, iyo waxa ay ku tilmaamayaan cadaalad-darro amni iyo mid siyaasadeed.
Bannaanbaxyada loogu magac daray “Hiil Shacab” oo ay hormuud u yihiin siyaasiyiin mucaarad ah ayaa lagu sheegay kuwo looga soo horjeedo tallaabooyinka dowladda ee la xiriira barakicinta iyo awood adeegsiga ciidamada.
