Ciidamada Mareykanka ayaa duqeymo cirka ah ka fuliyay fariisimo ay kooxda Daacish ku leedahay degmada Qandala ee gobolka Bari, waqooyi-bari Soomaaliya.
Duqeymahan ayaa yimid xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in xubno ka tirsan kooxda ay kordhiyeen dhaqdhaqaaqyadooda deegaannada dhanka bari ee togga Jecel.
Duqeymaha oo dhacay habeenkii Isniinta ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday deegaannada Dabaablay iyo Halbaladi, kuwaas oo dhanka bari kaga beegan deegaanka Dhadhaar, una dhow fariisimaha ciidamada Daraawiishta Puntland.
Hawlgalladan ayaa kusoo beegmaya xilli xogaha amniga ay muujinayaan dhaqdhaqaaqyo cusub oo ay xubno ka tirsan Daacish ka wadaan deegaanno ay horay saldhigyo istiraatiiji ah ugu lahaayeen, gaar ahaan agagaarka dooxada Jiisile, halkaas oo ciidamada Puntland ay muddooyinkii dambe ka wadeen hawlgallo milatari oo isdaba joog ah.
Xogaha amni ee la ururiyay afartii toddobaad ee lasoo dhaafay ayaa tilmaamaya in xubnaha Daacish, gaar ahaan kuwa qaabilsan hawlgallada milatari iyo miinooyinka, ay kordhiyeen joogitaankooda deegaannada Halbaladi iyo Dabaablay.
Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa muddo laba toddobaad ah hawlgallo ka waday galbeedka togga Jecel, kuwaas oo gaaray deegaannada u dhexeeya Dhabarad iyo Miraale.
Deegaannadan ayaa hore u ahaa xarumo istiraatiiji ah oo muhiim u ah kooxda Daacish ee Soomaaliya, kuwaas oo ay ku lahayd xarumo hoggaamineed, goobo caafimaad iyo fariisimo difaac.
Hadda, dhaqdhaqaaqyada cusub ee laga soo sheegayo dhanka bari ee togga Jecel ayaa muujinaya in deegaannadaasi ay weli muhiim u yihiin xaaladda amni ee buuraha gobolka Bari, xilli ciidamada Puntland iyo kuwa Mareykanku ay sii wadaan hawlgallada ka dhanka ah kooxda.
