November 13, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay madax-dhaqameed ka yimid Waqooyiga Soomaaliya, kulan ku soo aadaya xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha ka dhashay xiriirka Somaliland iyo Israa’iil, iyo doodda ku saabsan midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Kulankan ayaa muujinaya dadaalka dowladda Federaalka ee ku aaddan xoojinta xiriirka bulshada Waqooyi iyo helitaanka taageerada madax-dhaqameedka ee ilaalinta midnimada dalka.

Madax-dhaqameedka uu Madaxweynaha qaabilay waxaa ka mid ahaa Boqor Ibraahim Boqor Cali Xuseen, Suldaan Maxamuud Axmed iyo Suldaan Cumar Cismaan Goodir, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay midnimada dalka, xoojinta xiriirka bulshada Soomaaliyeed iyo doorka madax-dhaqameedku ku leeyihiin nabadaynta, isu-soo-dhoweynta iyo dhismaha kalsoonida bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in madax-dhaqameedku yihiin tiir muhiim ah oo kaalin weyn ka qaadan kara ilaalinta wadajirka bulshada, wuxuuna ku boorriyay inay xoojiyaan dadaallada lagu mideynayo shacabka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa imanaya iyadoo dowladda Federaalka ay si adag uga hortimid aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, iyadoo tallaabadaas ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

1-dii Nofeembar, Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa waraaqada aqoonsi ka guddoomay waxa lagu sheegay safiirka Israa’iil u soo magacowday Somaliland, Michael Lotem.

Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madax-dhaqameedka gobolada Waqooyiga ayaa xambaarsan farriin siyaasadeed oo la xiriirta dadaalka dowladda ee ilaalinta midnimada dalka iyo xoojinta xiriirka bulshada Waqooyi.

Hase yeeshee, weli lama oga in kulamadani horseedi doonaan isbeddel muuqda oo ku yimaada mowqifyada siyaasadeed ee Somaliland.

Leave A Reply

Exit mobile version