November 13, 2026

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cumar Cabdi Cali, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jenaraal Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay markabka dagaalka ee TCG SANCAKTAR, oo ka tirsan Ciidanka Badda Turkiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in markabkan iyo maraakiib kale oo Turkigu leeyahay oo dalka yimid ay ka qayb qaadanayaan dadaallada lagu dhisayo laguna tayeynayo Ciidanka Badda iyo difaaca xeebaha, kuwaas oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Qoraal ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in booqashadan ay ku soo beegmayso xilli ay dowladda federaalku mudnaan gaar ah siinayso dhismaha, tayeynta, iyo qalabaynta Ciidanka Badda iyo difaaca xeebaha, si loo xoojiyo amniga badda loogana hortago khataraha ka imaan kara marinnada badda.

Dhanka kale, dowladda Turkiga ayaa dhawaan Muqdisho keentay diyaarado dagaal oo nooca F-16, kuwaas oo lagu arkay iyaga oo ka kacaya Garoonka Aadan Cadde. Turkigu sidoo kale wuxuu magaalada ku leeyahay saldhiggiisa ugu weyn ee ka baxsan dalkiisa, isagoo weliba sahamin shidaal ka wada xeebaha koonfurta Soomaaliya.

Waxaa intaas dheer warar sheegaya in Turkigu qorsheynayo inuu xarun dayax-gacmeed ka hirgeliyo Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Soo dhaweynta markabkan dagaal waxaa ka qayb galay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Wasiiru Dowlaha Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Kaaliyaha Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha, iyo saraakiil kale.

Leave A Reply

Exit mobile version