Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiyo Bajaaj, oo muddo ka badan 75 maalmood ku xirnayd magaalada Muqdisho.
Kiiskan ayaa noqday mid si weyn u soo jiitay dareenka bulshada Soomaaliyeed toddobaadyadii la soo dhaafay. Sacdiyo waxaa lagu eedeeyay laba fal-dambiyeed oo kala ah kicin dadweyne iyo falal la xiriira jebinta sharciga.
Qareennada difaacaya Sacdiyo ayaa ku dooday in xeer ilaalintu aysan maxkamadda horgeyn caddeymo ku filan oo saldhig u noqon kara xukunka lagu riday. Waxay sidoo kale sheegeen inay racfaan ka qaadan doonaan go’aanka maxkamadda.
Qareenka Sacdiyo, Abuukaate Maxamed Sheekh, ayaa sheegay in maxkamaddu ku xukuntay ciqaabta ugu dambeysa ee uu qodobku oggol yahay, isagoo xusay in ay maxkamaddu awood u lahayd inay ku riddo ciqaab ka fudud tan hadda lagu xukumay.
Sacdiyo Bajaaj ayaa la xiray 12-kii Abriil, kaddib markii muuqaallo ay duubtay kuna baahisay baraha bulshada ay ku dhaliishay hay’ado ka tirsan dowladda.
Toddobaadkan, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Dabaan, ayaa ku dhawaaqay in la soo gabagabeeyay dhammaan dhageysiyadii dacwadda, waxaana ugu dambeyn maanta lagu dhawaaqay xukunka saddexda sano ah ee lagu riday Sacdiyo Bajaaj.
