August 12, 2026

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa la wareegay saldhigga ugu weyn ee Ciidanka Amniga Puntland (PSF), kaas oo ku yaalla agagaarka Garoonka Diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf Axmed ee magaalada Galkacyo, kaddib dagaal culus oo ay la galeen garabka tirsan PSF oo la sheegay in uu taageero ka helo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dagaalka ayaa la isku adeegsaday hub culus, madaafiic iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka. Xogaha hordhaca ah ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex qof ay ku dhaawacmeen madaafiicda iyo rasaasta la isweydaarsaday, inkastoo aan weli la helin tiro rasmi ah oo khasaaraha ah.

Iska horimaadkan ayaa imanaya maalin uun kaddib markii ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen hub la sheegay in loo waday dhinaca waqooyi ee Gaalkacyo, xilli Talaadadii uu iska horimaad kale ka dhacay koonfurta magaalada ee dhanka Galmudug, kaas oo lala xiriiriyay muranka hubkaas.

Maamulka Puntland ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay hub iyo ciidamo u soo daabuleyso deegaannada Puntland, gaar ahaan gobolka Mudug, waxayna Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyeen inuu hurinayo xiisado iyo colaado ka aloosan gobolka.

Golaha Mustaqbalka ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in dhacdooyinkan ay muujinayaan mas’uuliyad-darro ay dowladda federaalku ku maareynayso xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, iyagoo ka digay in xiisadda Gaalkacyo ay halis ku tahay xasilloonida iyo dowladnimada Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda, Dowladda Federaalka iyo hoggaanka Ciidanka PSF midkoodna kama hadlin dagaalka maanta dhacay. Puntlandse waxay xaqiijisay inay si buuxda ula wareegtay xarunta ugu weyn ee PSF ee Gaalkacyo.

Leave A Reply

Exit mobile version