November 14, 2026

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta uu Maxkamadda Sare ugu gudbiyay dacwad ka dhan ah wax-ka-beddelka Dastuurka KMG ah, isaga oo sheegay inuu doonayay in garsoorku door ka qaato xallinta khilaafka siyaasadeed ee dalka.

Sheekh Shariif ayaa tusaale u soo qaatay go’aankii Maxkamadda Sare ee la xiriiray doorashooyinkii Galmudug, kaas oo uu ku tilmaamay mid cadaalad ah, balse uu sheegay in muran uu ka dhashay fulintiisa, taasina ay keentay in arrinta dib loogu laabto.

Shariff ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda madax-bannaanida garsoorka, isaga oo sheegay in go’aannada maxkamadaha aan lagu faragelin, isla markaana loo fuliyo si waafaqsan sharciga.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in ujeeddadiisu ahayd in shacabka Soomaaliyeed ay helaan waddo sharci ah oo lagu xallin karo khilaafaadka siyaasadeed, iyadoo Maxkamadda Sare laga sugayo inay door ka qaadato xal u helidda muranka.

Sheekh Shariif ayaa 11-kii Oktoobar 2026 dacwadda u gudbiyay Maxkamadda Sare, isaga oo ka horyimid habraacii loo maray ansixinta wax-ka-beddelka Dastuurka KMG ah.
Dowladda Federaalka ayaa iyaduna 22-kii Oktoobar codsatay in 15 maalmood loogu kordhiyo muddada ay kaga jawaabayso dacwadda, si ay jawaabteeda sharciyeed u gudbiso ugu dambayn 7-da Nofeembar.

Dacwaddan ayaa qayb ka ah khilaafka weli ka taagan wax-ka-beddelka Dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka federaalka. Waxaa hadda la sugayaa jawaabta dowladda iyo tallaabooyinka xiga ee Maxkamadda Sare.

Leave A Reply

Exit mobile version