Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beesha caalamka ka dalbatay 6.3 bilyan oo dollar, si wax looga qabto saameynta isbeddelka cimilada ee dalka, iyadoo abaaraha iyo fatahaaduhu ay weli yihiin caqabadaha ugu waaweyn ee saameeya nolosha bulshada iyo dhaqaalaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada ee COP31 ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay maalgelin ballaaran oo ay kula tacaasho dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada.
Madaxweynaha ayaa beesha caalamka ugu baaqay in si degdeg ah loo sii daayo dhaqaalaha loogu talagalay ka hortagga masiibooyinka dabiiciga ah, gaar ahaan marka la helo digniinaha hore ee muujinaya khataraha soo socda.
Waxa uu sidoo kale dalbaday in la fududeeyo habraacyada lagu helo maalgelinta cimilada, si dalalka sida weyn ugu nugul saameynta isbeddelka cimilada ay si sahlan uga faa’iideystaan dhaqaalahaas.
Soomaaliya ayaa sannadihii u dambeeyay la tacaalaysay abaaro iyo fatahaado soo noqnoqday, kuwaas oo saameeyay nolosha malaayiin qof, wax-soo-saarka beeraha iyo dhaqaalaha dalka.
Codsiga 6.3 bilyan oo dollar ayaa muujinaya baahida Soomaaliya u qabto taageero dhaqaale oo ay kula qabsato isbeddelka cimilada, ugana hortagto masiibooyinka dabiiciga ah ee sii saameynaya dalka.
