Iyadoo uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee la xiriira hannaanka doorashooyinka Soomaaliya, ayaa Warar soo baxaya sheegaya inMareykanka, Britain, Turkiga iyo Midowga Yurub ay ku howlan yihiin dadaallo lagu doonayo in Dowladda Federaalka iyo mucaaradku ka gaaraan heshiis siyaasadeed.
Wada-hadalladan oo la qorsheeyay inay Muqdisho ka dhacaan 14-ka illaa 18-ka November, ayaa lagu doonayaa in dhinacyadu heshiis ka gaaraan hannaanka doorashada iyo qaabka wadajirka ah ee loo maamulayo
Afarta dhinac ayaa la sheegay inay fududeyn doonaan kulamada, iyagoo qorsheynaya in la soo bandhigo mabaadi’da aasaasiga ah ee heshiiska, sidoo kalena ay kulmaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo guddiyada farsamada ee labada dhinac.
Ujeeddada dadaalladan ayaa ah in la helo hannaan doorasho oo ay ku wada qanacsan yihiin Dowladda Federaalka iyo dhinacyada mucaaradka.
Dadaalladan ayaa imaanaya xilli Soomaaliya ay ku jirto khilaaf siyaasadeed oo xooggan, kaas oo salka ku haya hannaanka doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo muddo-xileedka hay’adaha dowladda.
Dhinaca kale, dadaallada dhex-dhexaadinta ayaa daba socda go’aankii Maxkamadda Sare ee 5-tii November, kaas oo lagu diiday muddo-kordhinta madaxweynaha iyo baarlamaanka, isla markaana lagu xaddiday awoodaha xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha hawlaha maalinlaha ah ee maamulka.
Go’aanka maxkamadda ayaa dhinacyada ay khuseyso u qabtay inay heshiis ka gaaraan hannaanka doorashada ugu dambeyn 5-ta December 2026, halka muddada 90-ka maalmood ah ee doorashooyinka lagu qabanaayo ay ku eg tahay 3-da February 2027.
Weli ma cadda in wada-hadallada la qorsheeyay ay horseedi doonaan heshiis siyaasadeed oo dhinacyadu ku wada qanacsan yihiin, balse doorka ay qaadanayaan saaxiibbada caalamiga ah ayaa muujinaya dadaal cusub oo lagu doonayo in khilaafka doorashooyinka Soomaaliya lagu xalliyo wada-hadal.
