November 14, 2026

Ugu yaraan 80 qof ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday magaalada Al-Dibeibat ee gobolka Galbeedka Kordofaan ee Suudaan, iyadoo laga cabsi qabo in muwaadiniin Soomaaliyeed ay ka mid noqon karaan dadka ku waxyeeloobay
Warbixinnada ayaa sheegaya in duqeyntu ay beegsatay goob gaadiid laga raaco oo u dhow suuq maxalli ah, xilli dadka deegaanka ay dib ugu laabanayeen tuulooyinkooda.

Weerarku wuxuu dhacay fiidnimadii Axadda, waxaana bartilmaameedku ahaa goob ay dadka deegaanka isugu yimaadaan si ay gaadiid uga raacaan kaddib marka uu suuqu xirmo.

Qof goob-joog ahaa ayaa sheegay inuu ka qayb qaatay aasidda meydadka 50 qof, oo uu ku jiro walaalkiis. Ilo caafimaad ayaa sidoo kale sheegay in 30 qof oo dhaawacmay ay ku dhinteen magaalada Al-Mujlad, halkaas oo loo qaaday si loogu daweeyo, taasoo tirada guud ee dhimashada ka dhigaysa 80 qof.

Walaaca ugu weyn ee Soomaaliya la xiriira weerarkan ayaa ah suurtagalnimada in dad Soomaali ahi ay ku jiraan dhibbanayaasha, maadaama qaar ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed la sheegay inay ganacsiyo ku leeyihiin aagga la duqeeyay.

Hase yeeshee, weli ma jiro xaqiijin caddeyneysa tirada ama aqoonsiga muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku saamoobay duqeynta.

Dhacdo kale oo ka dhacday bariga magaalada Khartuum, gaar ahaan xaafadda Nasir ee u dhow garoonka diyaaradaha caalamiga ah, ayaa lagu dilay saddex carruur ah oo da’doodu u dhexeyso laba ilaa lix sano iyo nin qaangaar ah, sida ay sheegeen ilo caafimaad. Weerarkaas ayaa la sheegay inuu beegsaday guri.

Maamulka Tasis, oo xiriir la leh xoogagga Gurmadka Degdegga ah ee RSF, ayaa ciidanka Suudaan ku eedeeyay inay ka dambeeyeen duqeynta Al-Dibeibat. Eedeyntaas si madax-bannaan looma xaqiijin.

Weerarradan ayaa kusoo aadaya iyadoo dagaalka u dhexeeya ciidanka Suudaan iyo xoogagga RSF uu socdo tan iyo Abriil 2023, kaas oo sababay dhimasho baahsan, barakac malaayiin qof ah iyo xaalad bani’aadannimo oo sii xumaanaysa.

Leave A Reply

Exit mobile version