Laba toddobaad kaddib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sheegay inaysan jirin “talo dhexda la dhigayo” oo ku saabsan doorashooyinka iyo dastuurka, wuxuu hadda u muuqdaa inuu caddeeyay in hadalkiisi ahaa “talo dhulka la dhigayo ma jirto” uusan ka dhignayn inuu diiddan yahay wada-tashi.
Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in la kala saaro talinta iyo la-tashiga, hadal aan weli si waafi ah caddaynayn mowqifkiisa ku aaddan wada-tashiyada siyaasadeed ee lagu raadinayo heshiis ku saabsan hannaanka doorashada.
Hadalkan cusub ayaa imanaya xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadka u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, kuwaas oo isku haya hannaanka doorashada soo socota iyo wax-ka-beddellada dastuurka.
Hadalkiisii hore, oo ahaa inaysan jirin “talo dhexda la dhigayo”, ayaa loo arkay inuu muujinayo inuusan diyaar u ahayn wada-tashi ku saabsan arrimahaas.
“Marka aan leeyahay talo dhexda la dhigayo ma jirto, micnaheedu ma aha inaan wada-tashi diiddanahay, balse waa inay noo kala caddahay talinta iyo la-tashiga.” ayuu yiri Xasan Sheekh
Madaxweynaha ayaa hadda kala saaraya talinta iyo la-tashiga, isagoo sidoo kale ku baaqay gogol wada-hadal oo loo fidinayo mucaaradka, si dowladda iyo dhinacyada siyaasadeed ay uga wada xaajoodaan hannaanka doorashada
Dowladda iyo mucaaradka ayaa hore u yeeshay 12 wareeg oo wada-tashi ah, balse weli ma jiro is-afgarad laga gaaray hannaanka doorashada, gogosha cusub ee uu madaxweynuhu ku baaqay ma horseedi doontaa heshiis siyaasadeed oo lagu mideysan yahay?
