Ugandha ayaa billowday qorshaha ay Soomaaliya ugala baxayso ciidamadeeda ku jooga heshiisyo laba geesood ah, halka ciidamadeeda qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM aan laga saareyn dalka, balse la filayo in dib loogu raro fariisimo ay banneeyaan ciidamada baxaya.
Taliyaha ciidamada Ugandha, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa 29-kii Oktoobar ku dhawaaqay in ka bixitaanka ciidamadu uu billowday.
Ciidamada lagu wado inay baxaan ayaa ah kuwa Ugandha e dalka ku jooga heshiisyo laba geesood ah, mana aha ciidanka Ugandha ee ka midka ah howlgalka AUSSOM.
Sida qorshuhu yahay, cutubyada Ugandha ee AUSSOM ee ku sugan Baraawe, Ceel Jaale iyo Buulo Mareer ayaa la filayaa in dib loo dejiyo, si ay u buuxiyaan goobaha ay banneeynayaan ciidamada ku baxaya heshiisyada labada dal.
Diyaarad nooceedu yahay Fokker F100, kana diiwaangashan Kenya, ayaa la sheegay inay Muqdisho ka qaaday 109 askari oo Ugandha ah. Waxaa sidoo kale la sheegay in ciidamada Ugandha ay qorsheynayaan inay ka baxaan qaar kamid ah fariisimaha ay ku leeyihiin Shabeellaha Hoose
Hadalka taliyaha ciidamada Ugandha ee ku saabsan billowga ka bixitaanka ciidamadu waa mid si rasmi ah loo shaaciyay, balse faahfaahinta ku saabsan jadwalka iyo xaruumaha ayaa weli si rasmi loo sheegin.
Tallaabadani ma aha ka bixitaanka Ugandha ee howlgalka AUSSOM. Waa kala bixitaanka ciidamo ku jooga heshiis laba geesood ah, iyadoo ciidamada Ugandha ee AUSSOM la filayo in dib loo dejiyo si ay ula wareegaan goobaha ay banneeynayaan kuwa baxaya. Waxaa weli la sugayaa faahfaahinta rasmiga ah ee waqtiga iyo habka dib-u-dejinta ciidamada.
