Waxaa axadii mar kale dib loogu laabtay Madaxtooyada Soomaaliya, si loo sii ambaqaado wada-hadalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, kadib laba maalmood oo ay baaqdeen kulamadii labada dhinac, Balse shirkaa ayaa lagu gaarin wax natiijo ah
Kadib saacado badan oo wadahadal ah, mana aysan gaarin wax heshiis ah, waxaana kulanka lagu soo gabagabeeyay iyadoo aan wax is-afgarad ah la gaarin.
Kulanka ayaa salka ku haya is-afgaranwaa la xiriira arrimaha doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, iyo doodda ku saabsan wax-ka-beddelka dastuurka.
Dowladda ayaa ku adkeysaneysa in la dhammeystiro geeddi-socodka dastuurka, halka Golaha Mustaqbalka ay si cad uga soo horjeedaan in wax laga beddelo dastuurka xilligan. Dhanka kale, dowlada waxey ku adkeysaneysaa in marka hore la qabto doorashooyinka golaha deegaanka, halka golaha mustaqbalka uu ku doodayo in doorashada waqtigeeda ku dhacdo, noqotana mid ay la Isla ogalyahay.
Taa ayaa loo sababaynaa in labada dhinac ay isku aragti ka noqon waayeen nooca doorasho ee ay galayaan maamul-goboleedyada, arrimaha wax ka beddelka dastuurka, iyo qaabka loo wajahayo doorashada madaxtinimada ee 2026.
