Muqdisho — 24 Febraayo 2026 — Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka ayaa si rasmi ah u shaacisay in la soo gabagabeeyay diyaar-garowgii doorashooyinka goleyaasha deegaanka, isla markaana la bilaabayo ololaha iyo soo gudbinta liisaska musharraxiinta.
Warqad loo diray dhammaan ururrada siyaasadda diiwaangashan ayaa Guddigu wuxuu ku wargeliyay inay si rasmi ah u bilaabaan ololahooda, iyagoo raacaya jadwalka iyo tilmaamaha doorashada.
Degmooyinka la qorsheeyay
Koonfur Galbeed:
Baydhabo, Baraawe, Marka, Afgooye, Wanlaweyn, Buur-Hakaba, Waajid, Berdaale, Qansaxdheere, Diinsoor, Xudur.
Hirshabeelle:
Jowhar, Beledweyne, Matabaan, Warsheekh, Cadale, Buulo-Burte, Jalalaqsi, Balcad, Mahadaay.
Galmudug:
Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Hobyo, Balanbale, Cadaado, Caabudwaaq, Xeraale, Ceeldheer, Xarardheere, Guriceel iyo Masagawaay (Galcad).
Waqooyi Bari:
Laascaanood, Xudun, Taleex iyo Buuhoodle.
Warqad hore oo ka soo baxday Guddiga ayaa degmada Galdogob ku dartay barnaamijka doorashooyinka taas oo noqotay tallaabo si adag uga caraysiisay maamulka Puntland.
Puntland ayaa sheegtay in Galdogob ay horey uga qabsoontay doorasho gole deegaan, isla markaana aysan jirin sabab dib loogu celiyo.
Sidoo kale, maamulka Puntland ayaa su’aal geliyay sharciyadda Guddiga Doorashooyinka, iyagoo ku tilmaamay mid muran ka taagan yahay.
Arrintan ayaa sii xoojisay khilaafka siyaasadeed ee la xiriira hannaanka doorashooyinka, gaar ahaan doorka iyo aqoonsiga Guddiga Doorashooyinka ee heer federaal.
