Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u safraya dalka Ugandha, si uu dowladda Kampala uga codsado inay dib u dhigto bixitaanka ciidamada Ugandha ee ku sugan deegaanno istaraatiiji ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Xog gaar ah oo ay heshay Somalia24 ayaa tilmaamaysa in Ugandha ay dowladda Soomaaliya ku wargelisay qorshe ay ciidamadeeda ugala baxayso dhowr deegaan oo muhiim u ah amniga gobolka.
Sida ay xogta Somalia24 tilmaamayso, qorshaha bixitaanka ayaa khuseeya Baraawe, Buula Mareer, Qoryooley, Janaale, Gooleyn, Daniga Baalow iyo deegaanno kale.
Ciidamada Uganda ayaa qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya, AUSSOM, kuwaas oo kaalin ku leh hawlgallada amniga ee deegaannadaas.
Walaaca ugu weyn ayaa ah waxa ka dhalan kara bixitaanka ciidamada Ugandha, iyadoo la sheegay in inta badan ciidamada Soomaaliyeed ee hore uga howlgalayay deegaannadaas loo wareejiyay hawlgallada ka socda dhanka Buurhakaba.
Xaaladdan ayaa dhalinaysa su’aalo ku saabsan cidda la wareegi doonta mas’uuliyadda amniga deegaannada ay ciidamada Ugandha qorsheynayaan inay ka baxaan, iyo in ciidamada Soomaaliyeed ay awood u yeelan doonaan inay buuxiyaan booskaas.
Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqda dadaal diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in dib loo dhigo bixitaanka, si looga fogaado farqi amni oo ka dhasha isbeddelka ku yimaada joogitaanka ciidamada.
Ilaa hadda, lama xaqiijin in Ugandha ay aqbashay codsiga la filayo inuu madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlo madaxda dalkaas.
Waxaase muuqata in natiijada wada-hadallada Kampala ay muhiim u noqon karto qorshaha amniga ee Shabeellaha Hoose, gaar ahaan deegaannada ay ciidamada Ugandha hadda ku sugan yihiin.
