Xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee magaalada Beledweyne ayaa sii xoogeysanaysa, iyadoo Macawiisleyda gobolka Hiiraan ay soo saareen awaamiir cusub, halka maamulka gobolka uu digniin u diray ciidamada uu sheegay inay amar ka qaataan Jowhar.
“Ciidankan waxaa loogu magac daray Ciidanka Gobolka. Wixii maanta ka dambeeya aniga ayay i hoos imaanayaan. 24 saac gudahood, haddii kuwa Jowhar laga amro aysan uga bixin gobolka Hiiraan, gaar ahaan Beledweyne, waxaan qaadeynaa tallaabo sharci ah oo degdeg ah. Taasi haddii aysan dhicin, guul gaari mayno.” Maxamed Carab, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan
Xaaladdan ayaa kusoo aadeysa iyadoo magaalada Beledweyne ay kusoo qulqulayaan ciidamo badan oo Macawiisley ah.
Qaar ka mid ah dagaalyahannadan ayaa kasoo baxay fariisimihii ay ku lahaayeen furimaha dagaalka ee Buuloburde iyo Matabaan, halka cutubyo kale la sheegay inay kusoo wajahan yihiin magaalada. Dhaqdhaqaaqan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in khilaafka siyaasadeed uu isu beddelo iska horimaad hubeysan.
Xarunta Lamagalaay, oo ah xarunta maamulka gobolka Hiiraan, ayaa weli ah halka ugu weyn ee ay xiisaddu ka taagan tahay. Macawiisleyda ayaa horay ula wareegay qaybo ka mid ah xarunta, halkaas oo ay fariisimo ka sameysteen.
Xarunta waxaa sidoo kale booqday xildhibaanno ka soo jeeda Hiiraan. Xildhibaan Maalik Cabdalla ayaa la kulmay hoggaanka Macawiisleyda, isagoo kala hadlay sugidda amniga iyo midnimada bulshada gobolka.
Dhanka kale, wararka ayaa sheegaya in ciidamo kale oo Macawiisley ah ay kusoo biireen kuwii horay u joogay xarunta Lamagalaay. Xarunta waxaa ka jira kala qaybsanaan dhinaca maamulka ah, iyadoo mas’uuliyiinta gobolka ay ku kala sugan yihiin qaybo kala duwan oo xarunta ka mid ah.
Maxamed Xuseen Maxamed ayaa ku sugan qaybta xarumaha maamulka, halka guddoomiyaha cusub ee Hirshabeelle u magacawday gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Weheliye, uu ku sugan yahay qaybta saldhigga ciidamada.
Guddoomiyaha gobolka, Maxamed Carab, ayaa isaguna sheegay in ciidamada gobolka laga bilaabo hadda ay isaga hoos imaanayaan, isagoo digniin u diray ciidamada uu sheegay in Jowhar laga hago.
