Golaha Mustaqbalka ayaa ku dhawaaqay bannaanbax weyn oo la qorsheeyay inuu 10-ka May ka dhaco magaalada Muqdisho, kaas oo ay sheegeen in looga soo horjeedo waxa ay ku tilmaameen “cadaalad-darro iyo dulmi” lagu hayo shacabka Soomaaliyeed.
Go’aankan ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu isla maalintaas iclaamiyay kulan wada-hadal oo looga arrinsanayo ismari-waaga siyaasadeed ee ka dhashay arrimaha dastuurka iyo doorashooyinka dalka.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in bannaanbaxa aanu u baahnayn wax fasax ah oo laga qaato dowladda, isagoo ku tilmaamay xuquuq dastuuri ah.
“Bannaanbaxa 10-ka May aan ku qabaneyno Muqdisho uma baahna fasax, waa xuquuq dastuuri ah oo aan leenahay, waana ku adkeysaneynaa in codka shacabka la maqlo.” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed
Isla maalintaas waxaa lagu wadaa inay dhacdo doorashada maamulka Koonfur Galbeed — doorasho ay si adag uga soo horjeedaan xubnaha mucaaradka.
Fiqi: ‘Waxay Ka Cararayaan Wada-hadalka’”
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa qoraal uu ku baahiyay Facebook ku sheegay in bannaanbaxa aanu heli doonin taageero, isagoo ku eedeeyay Golaha Mustaqbalka inay ka dhuumanayaan gogosha wada-hadalka ee uu Madaxweynaha fidiyay.
10 MAY
• Doorasho
• Bannaanbax
• Wada-hadal Siyaasadeed
Waxa si weyn loo eegayaa sida ay u dhacaan kulamadan iyo dhaq-dhaqaaqyadan siyaasadeed, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara jihada siyaasadeed ee dalka maalmaha soo socda.
