31 qof ayaa la la’yahay sida ay sheegtay laanqeyrta cas, iyadoo kooxaha gurmadku ay weli baadi-goobayaan dad la rumeysan yahay inay ku hoos jiraan burburka dhisme ku dumay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.
Dhismaha oo 18 dabaq ah ayaa dumay galabnimadii Jimcaha, waxaana socda dadaallo lagu ogaanayo khasaaraha dhabta ah ee musiibada.
Dhismaha ayaa dumay abaare 1-dii duhurnimo ee Jimcihii. Taliyaha booliska Nairobi, Ciise Maxamuud, ayaa sheegay in qayb ka mid ah dhismaha la deggenaa, iyadoo dad ay ku jireen dabaqyada hoose iyo qeybta hoose.
Kooxo gurmad oo ka kala socda hay’ado kala duwan ayaa ka howlgallaya goobta, si burburka looga qaado loona gaaro dabaqyada hoose. Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa sidoo kale goobta ka dhistay teendho lagu taageerayo howlaha gurmadka iyo qoysaska raadinaya ehelkooda
Warbixin la soo saaray ayaa sheegtay in 66 ka mid ah 67-dii shaqaale ee dhismaha ee goobta ku sugnaa la helay, halka baadi-goobka dadka kale uu socdo.
Booliska ayaa baadi-goob ugu jira milkiilaha dhismaha dumay, sida uu sheegay taliyaha booliska gobolka Nairobi, Ciise Maxamuud. Baaritaankan ayaa socda iyadoo kooxaha gurmadku ay isku dayayaan inay gaaraan dadka laga cabsi qabo inay ku hoos jiraan burburka.
Guddoomiyaha Nairobi, Johnson Sakaja, ayaa ku baaqay in wax laga beddelo sharciga si dowladaha hoose ee gobolladu u helaan awood dheeraad ah oo ay tallaabo sharci ah uga qaadi karaan dadka jebiya xeerarka dhismaha.
Wuxuu sheegay in maamulka gobolka uu qoraal rasmi ah u diray Xafiiska Agaasimaha Dacwad-oogista Dadweynaha, isagoo ka dalbaday taageero lagu xoojinayo fulinta xeerarka.
Burburka dhismaha ayaa dib u soo celiayay walaaca laga qabo badbaadada dhismayaasha iyo sida loo dhaqan-geliyo xeerarka jira. Waxaa weli taagan su’aalo ku saabsan in la raacay shuruudihii badbaadada ee looga baahnaa dhismaha.
Iyadoo baadigoobku socdo, Laanqayrta Cas ayaa sheegtay inay heshay xogta 31 qof oo ah dad la la’yahay, balse tirada guud ee dadka ay musiibadu saameysay weli si buuxda looma caddeyn. Booliska ayaa sidoo kale wada baadi-goobka milkiilaha dhismaha, iyadoo gurmadka iyo baaritaannadu ay socdaan.
