Natiijooyinkii doorashooyinka Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ma aysan ahayn wax lama filaan ah. Ka hor inta aan codadka la dhiiban, waxaa lasii ogaa cidda guuleysan doonta.
Doorashooyinkaas ma ahayn kuwa ka turjumayay tartarn furan, maadaama natiijooyinkooda horay loo sii ogaa
Waxaa tan ka sii muhiimsan, xaaladda ka dhacday maamul-goboleedyadu ma ka tarjumaysaa waxa ka dhici kara heer federaal?
Koonfur Galbeed, Aadan Madoobe, ayaa bishii Juun loo doortay madaxweynaha maamulka, isagoo helay 88 cod, halka musharraxii kale ee tartanka ku haray uu helay hal cod. Doorashada waxaa ka horreeyay ka bixitaankii musharraxiin kale oo walaac ka muujiyay habka loo maamulayay tartanka.
Galmudug, xisbiga JSP ayaa ku guuleystay 67 ka mid ah 89-ka kursi ee baarlamaanka maamulka, halka musharraxiisa, Liibaan Axmed Xasan, uu ku guuleystay madaxtinnimada maamulka 72 cod.
Hirshabeelle, JSP ayaa isaguna helay 78 ka mid ah 99-ka kursi ee baarlamaanka maamulka, taasoo u sahashay inuu yeesho aqlabiyad xooggan. Cali Guudlaawe ayaa dib loogu doortay madaxweynaha maamulka, isagoo helay 81 cod.
Natiijooyinkan ayaa intaba hore loo sii ogaa, waliba saadaal ma ahayn ee waa la hubay.
Hase yeeshee, su’aashu kuma koobna cidda guuleysatay. Waxaa sidoo kale muhiim ah sida tartanku u dhacay, in musharraxiintu heleen fursado siman, iyo in dhinacyada siyaasadeed ay ku qanceen hannaanka doorashada.
Dowladda Federaalka waxay doorashooyinkan u aragtaa tallaabo lagu ballaarinayo nidaamka qof iyo cod, halka mucaaradka iyo qaar ka mid ah dhinacyada siyaasadeed ay walaac ka muujiyeen habka loo maamulayo doorashooyinka iyo baahida loo qabo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Dooddan ayaa hadda u gudubtay heerka federaalka. Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay in doorashada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka la qabto 15-ka Abriil 2027, halka doorashada madaxweynaha loo qorsheeyay 15-ka May 2027.
Mucaaradka ayaa diiday jadwalkan, iyagoo ku dooday in aan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay laga gaarin hannaanka doorashada, wax-ka-beddellada Dastuurka iyo muddo-xileedyada hay’adaha dowladda.
Taasi waxay ka dhigan tahay in, inkastoo doorashooyin laga qabtay maamul-goboleedyo dhowr ah, haddana aan weli la xallin khilaafka ku saabsan qaabka ay u dhici doonto doorashada heer federaal.
Soomaaliya ma gaari kartaa doorasho federaal ah oo ay ku wada qancaan dowladda, mucaaradka iyo maamul-goboleedyadu. Kalsoonida lagu qabo hannaanka, tartan furan iyo heshiis siyaasadeed ayaa iyaguna go’aamin doona sida loo aqbalo natiijada doorashada soo socota.
