November 14, 2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Cabdikaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa dowladda federaalka ku cadaadiyay inay Kenya wax ka weydiiso joogitaanka Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ee dalkaas, isaga oo ku eedeeyay mas’uuliyiinta Kenya inay hoy iyo ilaalin amni siiyaan qof ay dowladda Soomaaliya liiska argagixisada ku dartay.

“Dowladdu waa inay ka jawaabtaa sababta qof argagixiso ah oo ay dowladda Soomaaliya liiska madow gelisay uu gabbaad uga raadsanayo magaalooyinka iyo deegaannada Kenya, isla markaana ay ilaaliyaan saraakiisha amniga ee dalkaas.” ayuu yiri Jaamac

Hadalka guddoomiyaha ayaa imanaya iyadoo khilaafka siyaasadeed iyo ciidan ee Koonfur Galbeed uu sii xoogeysanayo, Laftagareenna uu yahay xubin muhiim ah oo ku jira loollanka maamulka gobolka.

Guddoomiyuhu Golaha Shacabka ayaa su’aal geliyay sababta ciidamada ka soo horjeeda maamulka Koonfur Galbeed ee dowladda federaalku taageerto ay uga sii hawlgalaan deegaanno ay joogaan ciidamada nabad ilaalinta caalamiga ah.

“Iskaashiga la sheegay ee u dhexeeya dhinacyada siyaasadeed iyo Al-Shabaab wuxuu muujinayaa xaalad walaac weyn leh, wuxuuna khatar culus ku yahay amniga iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayuu yiri Gudomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyuhu wuxuu dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay jawaab ka dalbato Kenya, gaar ahaan eedeymaha la xiriira hoyga iyo ilaalinta Laftagareen uu ka helo Kenya.

Hadalka guddoomiyaha ayaa arrinta Laftagareen ka dhigaya su’aal diblomaasiyadeed oo toos ugu wajahan Nairobi: maxay tahay sababta uu Kenya u joogo, yaase mas’uul ka ah ilaalinta la sheegay in la siiyo? Jawaabta labada dowladood ayaa muhiim u noqon doonta fahamka arrintan iyo saameynta ay ku yeelan karto xiriirka Muqdisho iyo Nairobi.

Leave A Reply

Exit mobile version