November 14, 2026

Dagaallada ka socda gobolka Amhara ee Itoobiya ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo warbixinno cusub ay sheegayaan in dagaalyahannada Fano ay la wareegeen magaalada Wegel Tena, oo ah xarunta maamulka degmada Delanta ee gobolka Koonfurta Wollo.

Sida ay sheegtay hay’adda la socodka colaadaha ee Frontlines, dagaalyahannada Fano ayaa magaalada la wareegay kaddib iska horimaadyo muddo socday oo ay la galeen ciidamada dowladda federaalka Itoobiya.

Warbaahinta Deutsche Welle, oo soo xiganaysay dadka deegaanka, ayaa sheegtay in dagaallo gudaha magaalada ka dhacay 13-kii Oktoobar. Dadka rayidka ah ayaa lagu amray inay ka baxaan goobaha halista ah, halka rasaas goos goos ah ay dhaawacyo geysatay

Warbixinnada xigay ayaa tilmaamay duqeymo madaafiic oo culus, korontada iyo biyaha oo go’ay, iyo dagaallo ka dhacay agagaarka xero ay leeyihiin Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya.

Hase yeeshee, weli ma cadda inta ay le’eg tahay dhulka ay Fano hadda gacanta ku hayso, iyo cidda ku guuleysatay dagaallada ka dhacay agagaarka xerada milatariga.

Ma jiro warbixin madax-bannaan oo ay baahiyeen wakaaladaha waaweyn ee wararka ama dowladda Itoobiya oo xaqiijinaysa xaaladda ugu dambeysay ee magaalada iyo xerada ciidamada.

Haddii la xaqiijiyo qabsashada Wegel Tena, waxay noqon doontaa xaalad cusub oo uu galay dagaalka u dhexeeya Fano iyo ciidamada federaalka Itoobiya. Sidoo kale, dagaallada sii socda iyo carqaladaha adeegyada aasaasiga ah ayaa muujinaya halista ay colaaddani ku hayso dadka rayidka ah ee gobolka Amhara.

Leave A Reply

Exit mobile version