Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in uu ogyahay dad ay qaraabo yihiin oo kula taliyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in isaga la dilo.
Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in haddii taladaasi la qaato ay noqonayso “doqonnimo”, isaga oo xusay in xilligii doorashadii hore uu dadaal la sameeyay Madaxweynaha, balse maanta, sida uu sheegay, awoodda dowladda loo adeegsanayo waxyeellayntiisa.
“Xasan Sheekh xilligii doorashada, dadaal ayaan la sameynay dadkii maalintaas naga soo horjeeday ama ka shaqeynayay in nala dhibaateeyo. Maantase waxay leeyihiin, ‘Shariif soo dil”. ayuu yir, Shariif Sh. Axmed.
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale ku eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud inuu dalka u geystay dhaawac ka weyn kii uu geystay madaxweynihii ka horreeyay, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
“Inta uu madaxweyne Farmaajo bi’yay, Xasan toban laabkeed ayuu bi’yaya” ayuu yiri, hariif Sh. Axmed.
7-dii bishan, Shariif Sheekh Axmed ayaa si cad u sheegay in dhaq-dhaqaaqyadii ciidan ee 3-dii iyo 4-tii Juun ka dhacay Muqdisho ay ahaayeen qorshe lagu doonayay in isaga lagu khaarijiyo.
“Waqti badan ayaa weerar igu socday, waxaa la qorsheeyay in ama la i ihaaneysto ama la idilo” ayuu yiri, Shariff Sheekh Axmed. Eedeymahan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan hadallada la xiriira amniga hoggaamiyeyaasha mucaaradka.
Mucaaradku waxay ku doodayaan in tallaabooyinka dowladda ay si gaar ah u bartilmaameedsanayaan siyaasiyiinta ka aragtida duwan, halka Dowladda Federaalka ay sheegtay in howlgalada ka socda Muqdisho ay yihiin kuwo lagu xaqiijinayo amniga caasimadda.
