Browsing: Aragti

Xeerarka Qoraallada ee Bogga Aragtida

Waxaan soo dhaweyneynaa in aan u daabacno qof kasta oo raba in uu bulshada la wadaaago Aragti, Maqaal cilmiyeed iyo Faaqidaad ama Falaqeyn la xiriira mowduuc guud ama gaar ah.

Afeef:- Maqaalkasta oo ku soo baxa bogga Aragtida dadweynuhu ee Somali24tv, waxa ay gaar u yihiin Qoraaga kamana turjumayaan Aragtida Warbaahinteenna.

1. Qoraallada ay qabanayso Somali24tv, waa in uysan ka yaraan 2 bog, farta cabirkeedana uu ahaadaa 12, waa in nooca farta ay ahaataa (Times New Roman).

2. In uu ahaado mid ku qoran af Soomaali

3. In uu tixraacyo sugan wato, haddii uusan curis ahayn.

4. Qoraallada Cilimga ah, waa in ay ahaadaan kuwo cuksanaya ilo sugan oo la isku hallayn karo – xogta.

5. Qoraalku waa in uu xanbaarsanayn kana madaxbannaan yahay naceyb, afxuma iyo weerar shaqsi ama koox gaar ah.