Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa Addis Ababa kula kulmay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Gamal Mohamed Hassan.
Kulanka ayaa lagu soo dhaweeyay ansixinta Soomaaliya ee Heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika — AfCFTA, iyadoo Midowga Afrika uu ku tilmaamay tallaabo muhiim u ah isku-xirka dhaqaale ee qaaradda.
Soomaaliya waxay gudaha dalka ku ansixisay AfCFTA 31-kii July, halka Golaha Wasiirradu 6-dii August meel mariyeen Hindise-sharciyeedka Xeerarka Asalka Badeecadaha. Wasiirka Ganacsiga ayaa sidoo kale wada qorshe ku saabsan fududeynta ganacsiga Geeska Afrika ee 2026–2031, oo ay ku jiraan dib-u-habaynta kastamyada iyo waddooyinka ganacsi ee gobolka.
Dhanka amniga, Midowga Afrika wuxuu mar kale sheegay inuu taageerayo dowladda Soomaaliya, dalalka ciidamada ku deeqa iyo saaxiibada caalamiga ah, iyadoo Soomaaliya si tartiib ah loogu wareejinayo mas’uuliyadda amniga qaranka.
