Ruushka ayaa isku dayaya inuu miiska wada-hadalka isugu keeno Itoobiya iyo Eritrea, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka labada dal, isla markaana ay jiraan cabsi laga qabo inuu isu beddelo dagaal milatari.
Mosko ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay martigeliso wada-hadallo lagu raadinayo xal ay labada dhinac ku qanci karaan. Khilaafka ugu weyn ayaa la xiriira damaca Itoobiya ee helitaanka marin toos ah oo Badda Cas ah iyo walaaca Eritrea ee ku saabsan madax-bannaanideeda iyo dhulkeeda.
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Ruushka, Alexander Alimov, ayaa wargeyska Izvestia u sheegay in Mosko ay diyaar u tahay inay fududeyso xiriirka iyo wada-hadallada wakiillada labada dal.
Alimov ayaa rajo ka muujiyay in Itoobiya iyo Eritrea ay fursaddan ka faa’iideystaan inta lagu guda jiro shir-madaxeedka saddexaad ee Ruushka iyo Afrika, kaas oo Moscow lagu qabanayo 28-ka iyo 29-ka Oktoobar.
Wuxuu sheegay in sii xumaanshaha xiriirka labada dal uu walaac ku hayo Ruushka, oo labadaba u arka saaxiibbo.
Mosko waxay labada dhinac ugu baaqday inay is-xakameeyaan, kalsoonida dhisaan, khilaafaadkoodana ku xalliyaan diblomaasiyad.
Hase yeeshee, khilaafku kuma koobna keliya loollanka marin-badeedka. Addis Ababa iyo Asmara ayaa is-weydaarsaday eedeymo culus oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyo milatari iyo taageerada kooxaha hubeysan, taas oo sii kordhisay walaaca laga qabo isku dhac toos ah.
Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ku eedeeyay inuu doonayo dagaal ka dhan ah Eritrea si Itoobiya ay u hesho marin toos ah oo Badda Cas ah.
Eritrea ayaa warqad ay u dirtay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ku dalbatay in la cambaareeyo waxa ay ku tilmaantay hanjabaadaha dagaal ee Itoobiya, iyadoo codsatay tallaabooyin ka hortag ah.
Itoobiya ayaa si weyn ugu tiirsan dekedaha Jabuuti, waxayna sheegtay in helitaanka marin-badeed uu muhiim u yahay dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga qaranka. Dalka ayaa sidoo kale horumarinaya awoodihiisa ciidamada badda, sida ay hore u sheegeen saraakiisha Itoobiya.
Eritrea, dhankeeda, waxay ka cabsi qabtaa in dadaalladaas ay isu beddelaan cadaadis siyaasadeed ama milatari oo lagu doonayo dhulkeeda iyo dekedaheeda.
Soomaaliya waxay si gaar ah ula socotaa xiisadda Itoobiya iyo Eritrea, maadaama ay xiriir amni iyo mid diblomaasiyadeed la leedahay labada dal, halka ay sidoo kale iskaashi dhow la leedahay Masar iyo Eritrea oo ku saabsan arrimaha gobolka.
Bayaankii wadajirka ahaa ee Al Caalameyn, oo ay 4-tii Oktoobar 2026 kala saxiixdeen Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Eritrea, ayaa adkeeyay ixtiraamka madaxbannaanida dalalka.
Mowqifkaasi wuxuu si toos ah ula xiriiraa doodda ku saabsan doorka Itoobiya, oo aan lahayn xeeb, ay ku yeelan karto qaab-dhismeedka amniga Badda Cas.
Dadaalka Ruushka wuxuu fursad u noqon karaa in Itoobiya iyo Eritrea ay dib ugu laabtaan wada-hadalka, balse weli lama shaacin in labada dal ay aqbaleen inay wada-xaajood galaan.
