Maamulka Koonfur Galbeed ayaa guud ahaan mamnuucay mootooyinka nooca Feykon, tallaabo la sheegay inay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo la dagaallanka Al-Shabaab.
Go’aankan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan xiisadda siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka socda Baydhabo iyo deegaannada ku xeeran.
Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Isaaq Maxamed Korsaar, ayaa sheegay in mamnuucidda mootooyinka Feykon ay tahay tallaabo amni oo looga golleeyahay ka hortagga falalka amni-darrada.
Go’aanka ayaa lagu shaaciyay shir uu guddoomiyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur, kaas oo looga hadlay xaaladda guud ee amniga deegaannada maamulka.
Dhanka kale, waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu Baydhabo kulan kula yeeshay saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Itoobiya, kaas oo looga hadlay xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee magaalada.
Xiisadda ayaa la xiriirta khilaafka kala dhexeeya maamulka Baydhabo iyo xoogagga taabacsan madaxweynihii hore, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Warbaahinta Addis Standard ayaa sheegtay in saraakiisha Itoobiya ay kulankaas ku muujiyeen inaysan dhinac ka noqon doonin khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed.
Sida warbixintu tilmaamayso, saraakiisha ayaa ku adkeystay in waajibaadka ciidamadoodu yahay la dagaallanka Al-Shabaab, halkii ay ku lug yeelan lahaayeen loollanka siyaasadeed ee dhinacyada maamulka isku haya.
Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa la sheegay inay wadaan abaabul ciidan, iyadoo xiisaddu ay salka ku hayso loollanka hoggaanka maamulka iyo gacan-ku-haynta deegaanno ay joogaan ciidamo taabacsan Laftagareen.
Mowqifka ciidamada Itoobiya iyo tallaabooyinka ay qaadaan dhinacyada siyaasadeed iyo kuwa milatari ayaa weli ah arrimaha sida dhow isha loogu hayo, iyadoo xiisadda Baydhabo ay sii yeelanayso dhinacyo amni iyo mid siyaasadeed.
