Dowladda Itoobiya ayaa Eritrea ku eedeysay inay hoggaaminayso weerarro ay xoogag xiriir la leh Jabhadda TPLF ku qaadeen fariisimaha ciidamada federaalka ee waqooyiga dalkaas, iyadoo Masar lagu eedeeyay inay weerarrada ku taageertay saanad iyo qalab milatari.
Eedeymahan ayaa kusoo aadaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka Itoobiya iyo Eritrea, kaas oo walaac ka abuuray amniga Geeska Afrika.
Taliyaha Ciidamada Itoobiya, Birhanu Jula, ayaa TPLF ku eedeeyay weerarro ka dhan ah ciidamada dowladda ee gobollada Amxaarada iyo Canfarta, isagoo sheegay in Eritrea ay hoggaaminayso, Masarna taageero milatari siineyso. Wuxuu sheegay in ciidamada Itoobiya ay iska caabiyeen weerarrada.
Sidoo kale, wuxuu Eritrea ku eedeeyay inay dhiseyso isbahaysi ay ku jiraan TPLF, Fano, Jabhadda Xoreynta Oromada, Suudaan iyo Masar, kaas oo uu sheegay inuu dowladda Itoobiya khatar ku yahay.
Jula ayaa intaas ku daray in maamulka Tigray uu dhalinyarada ku khasbayo qorista ciidamada, balse eedeymahan si madax-bannaan looma xaqiijin. Dowladda Eritrea iyo Masar weli kama aysan jawaabin eedeymaha.
Xiisadda labada dal ayaa sii xoogeysatay xilli uu muran ka taagan yahay damaca Itoobiya ee helitaanka marin-badeedka Badda Cas.
Itoobiya ayaa raadineysa marin-badeed ay ku gaarto Badda Cas, halka Eritrea ay ka digeyso tallaabo kasta oo halis gelin karta madax-bannaanideeda.
Xiisaddan ayaa walaac ka abuurtay xasilloonida Geeska Afrika, iyadoo baaqyo loo jeedinayo labada dal inay wada-hadal ku xalliyaan khilaafkooda.
