August 12, 2026

“Muqdisho maanta ma aha tii laba ama saddex sano ka hor.” Waa fariinta uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud diray xilli la xusayay bilowga Toddobaadka Xorriyadda ee 26-ka Juun.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Muqdisho ay isbeddel weyn sameysay, isaga oo tilmaamay in magaalada ay maanta leedahay dhismayaal cusub, guryo dabaqyo ah iyo waddooyin.

Waxa uu intaa ku daray in heerka amniga magaalada uu gaaray meel qofku uu si kalsooni leh ugu socon karo xitaa xilli dambe habeenkii.

“Laba, saddex ama afar sano ka hor yaa filayay Muqdisho maanta sidan oo kale ah? Muqdisho leh dhismayaal cusub, dabaqyo iyo waddooyin, oo aad 3-dii habeennimo si kalsooni leh ugu socon karto….” Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Laakiin, saacado yar kaddib hadalka Madaxweynaha, dood kale ayaa ka dhalatay qeexidda waxa loo yaqaan ammaan

Khudbaddii Jimcaha, Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa si dadban uga horyimid aragtida ah in amniga lagu qiimeeyo oo keliya ka badbaadidda Al-Shabaab. Sidaan ayuu asna yiri sheekh Bashiir

SB: “Dadka meel ku xaraysan oo la leeyahay AS amaan ayaad ka tihiin, hadana la iska dilaayo oo la iska xiraayo, kaas amaan ma’ahan” Sheekh Bashiir Axmed Salaad

Hadallada kala duwan ee Madaxweynaha iyo Sheekh Bashiir ayaa dhaliyay doodda ku saabsan waxa ay tahay badqabka dhabta ah ee muwaadinka Soomaaliyeed.

Qaar ayaa qaba in horumarka muuqda ee Muqdisho iyo hoos u dhaca weerarrada ay muujinayaan amni soo hagaagaya, halka kuwo kalena ay ku doodayaan in badqabku uu ka dhigan yahay in qofku uu helo xorriyad, caddaalad iyo ilaalin sharci.

Iyadoo Muqdisho ay wajahday isbeddello dhinaca horumarka iyo amniga ah sannadihii u dambeeyay, haddana hadalladan ayaa muujinaya in weli ay taagan tahay dood ku saabsan sida loo cabbiro ammaanka iyo kalsoonida shacabka.

Maxaa Lagu Qeexaa Badqab Dhab Ah?

Leave A Reply

Exit mobile version