Laga bilaabo 1-da Oktoobar, qof kasta oo gudaha Soomaaliya ku safraya diyaaradda waxaa laga doonayaa Aqoonsiga Qaranka ee NIRA.
Laakiin maalintii ugu horreysay ee sharcigan dhaqan galay, rakaab ayaa Garowe Airport lagu celiyay kadib markii aysan haysan aqoonsiga loo baahan yahay.
Qaar ka mid ah rakaabka waxay u socdeen Muqdisho, halka kuwo kalena ay Muqdisho uga sii gudbayeen Nairobi.
Waxaa la sheegay in dadka safarka loo diiday ay ku jireen qaar u safrayay shaqo iyo qaar caafimaad doon ah.
Arrinta ayaa si gaar ah su’aalo uga dhalisay Puntland, halka adeegyada NIRA aysan weli si buuxda uga jirin dhammaan deegaannada.
Sidee aqoonsi qaran loogu xiri karaa adeeg muhiim ah sida safarka, iyadoo aysan dhammaan muwaadiniintu weli si isku mid ah u heli karin adeeggaas?
Dowladdu waxay u aragtaa Aqoonsiga Qaranka inuu yahay nidaam lagu mideynayo aqoonsiga dadka, laguna xoojinayo amniga iyo adeegyada dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.
NIRA waxay sheegtay in aqoonsiga qaranku mustaqbalka ka shaqayn doono dhinacyo ay ka mid yihiin bangiyada, isgaarsiinta, socdaalka iyo duulimaadyada.
Laakiin dhacdada Garowe waxay muujisay caqabad kale:
Nidaamku diyaar ma ku yahay qof kasta, iyo meel kasta oo Soomaaliya ah?
Kaarka NIRA wuxuu Soomaaliya u noqon karaa nidaam mideeya aqoonsiga muwaadinka.
Laakiin maanta, Garowe waxay soo bandhigtay su’aaal weyn:
Haddii aqoonsigu yahay shardi safar, maxaa dhacaya marka muwaadinku ku jiro xaalad deg deg ah ama meel uusan ka heli Karin?
