November 14, 2026

Aliko Dangote iyo Madaxweynaha Kenya William William Ruto ayaa magaalo xeebeedka Lamu ka dhagax dhigay mashruuc lagu qiimeeyay $16 bilyan oo doolar, kaas oo marka la dhammeeyo sifayn kara ilaa 700,000 oo fuusto oo shidaal ah maalintii.

Haddii mashruucan la dhammeeyo sida qorshuhu yahay, Lamu waxay noqon kartaa xarun cusub oo shidaal oo gobolka oo dhan saameyn ku yeelata.

Warshaddu waxay soo saari doontaa baatrool, naafto iyo shidaalka diyaaradaha, iyadoo la filayo in wax soo saarkeeda loo suuq geeyo Kenya iyo dalalka kale ee Bariga Afrika.

Dhismaha waxaa la qorsheeyay in la dhammeeyo sanadka 2030.
Dangote wuxuu sidoo kale sheegay in dowladaha Bariga Afrika loo soo bandhigay ilaa 30 boqolkiiba saamiga mashruuca, si dalalka gobolka uga qayb qaataan maalgashiga.

Mashruuca Lamu waa ka balaaranyahay warshad shidaal. Waxaa ku jiro xarun koronto oo awooddeedu tahay 1,000 megawatt, iyo qorshe ah in magaalada Lamu laga dhiso xarun warshadeed oo weyn.

Lamu waxaa sidoo kale muhiimad gaar ah siinaya dekeddeeda iyo marinka ganacsi ee LAPSSET, kaas oo isku xiraya xeebta Kenya iyo suuqyada Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Dangote wuxuu doonayaa in shidaal ceeriin laga keeno Kenya iyo dalal kale oo Afrika, kadibna gudaha Afrika lagu farsameeyo.

Fikradda ayaa ah: Afrika inay dhoofin shidaal ceeyriin, kadibna aysan dib usoo iibsan wax-soo-saarkii laga sameeyay.

Laakin waxaa jirta in qaar ka mid ah dadka deegaanka ay ka walaacsanyihiin dhulka, iyo saameynta deegaanka.

Dacwad maxkamadeed ayaa sidoo kale la xiriirta qaybo ka mid ah dhulka mashruuca.
Haddii la dhammeeyo, warshaddan waxay Lamu ka dhigi kartaa mid ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee shidaalka Bariga Afrika.

Leave A Reply

Exit mobile version