August 12, 2026

Baasaboorrada Kenya.. ayaa maalmahaan ah arrin siyaasadeed oo si weyn looga hadal hayo gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxay ka bilaabatay kaddib markii Raaisulwasaare ku xigeenka labaad ee dalka iyo waisru dowlaha madaxtooyada labada loo diiday in galaan Nairobi, arrin la sheegay inay la xiriirtay inay si sharci darro ah ku qaaten baasaborka kenya.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa dib u celiyay baasaboorkiisii Kenya, iyo kaarkiisii aqoonsiga ee Kenya
“waxaan dib u celiyay baasaboorkii kenya…” ayuu yiri Jibril

Tallaabadan ayaa timid kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu faray golaha wasiirada ee haysta jinsiyadda Kenya inay ka tanaasulaan, haddii kale ay waayi karaan xilalkooda.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo muddo bil gudaheed ah laba mas’uul oo sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya laga celiyay garoomada Kenya.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ayaa loo diiday gelitaanka Kenya kadib eedeymo la xiriira inuu si sharci darro ah ku qaatay baasaboor Kenyan ah.

Dhawaan, Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada, Abshir Bukhaari, ayaa isna la sheegay in dib loogu soo celiyay Muqdisho, kadib su’aalo laga keenay baasaboor Kenyan ah oo uu watay.

Laakiin arrintu kuma koobna labada mas’uul, Waxay hadda dhalisay dood ku saabsan inta uu gaarsiisan yahay lahaanshaha baasaboorrada Kenya ee Golaha Wasiirrada iyadoo la sheegayo in xubno badan oo golaha wasiirada ah ay ka biya diidsan yihiin celinta baasaboorka kenya

Wararka la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in ku dhowaad 30 xubnood oo ka tirsan Golaha Wasiirrada ay haystaan baasaboorro Kenya ah
Xogahaas waxay sidoo kale tilmaamayaan in xubnahaas ay ku jiraan wasiirro sare iyo siyaasiyiin si dhow ula shaqeeya Madaxweynaha.

Waxay ahayd laba dhacdo oo la xiriiray socdaal…waxayna hadda isu beddeshay arrin siyaasadeed oo taabaneysa Golaha Wasiirrada iyo xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.
Ma jiri doonaan wasiirro kale oo ka tanaasula baasaboorrada Kenya?

Leave A Reply

Exit mobile version