Warar ay baahisay wakaaladda Reuters ayaa sheegaya in kooxda Xuutiyiinta ee Yemen qorsheyneyso inay lacag marin ah ka qaaddo inta badan maraakiibta ganacsiga ee isticmaala marin-biyoodka Bab el-Mandeb.
Inkastoo qorshahan aan weli si rasmi ah loo xaqiijin, haddana wuxuu muujinayaa isbeddel cusub oo ku yimaada xiisadda Badda Cas.
Bab el-Mandeb waa marin-biyoodka isku xira Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas. Waa marin ay maalin kasta maraan boqolaal maraakiib oo sida shidaal, cunto, dawooyin iyo badeecooyin kale, kuwaas oo ku wajahan Afrika, Yurub iyo Aasiya.
Haddii qorshahan la hirgeliyo, shirkadaha maraakiibta ayaa laga yaabaa inay kordhiyaan khidmadaha gaadiidka iyo caymiska.
Taas waxay sare u qaadi kartaa qiimaha badeecooyinka dibadda looga keeno Soomaaliya, gaar ahaan kuwa daruuriga ah sida bariiska, sonkorta, burka, saliidda, dawooyinka iyo shidaalka. Waxaa kale oo dhici karta in maraakiibta qaarkood ay ka fogaadaan Bab el-Mandeb, iyagoo dooranaya marinno kale
Taasi waxay keeni kartaa dib u dhac ku yimaada sahayda, koror ku yimaada kharashaadka ganacsiga, ugu dambeyntiina sicir-barar saameeya shacabka Soomaaliyeed.
Sida ay sheegtay Reuters, qorshahan ayaa la sheegay inuu weli ku jiro heerka wadatashiga, iyadoo ilo wareedyo gobolka ka tirsan ay sheegayaan in arrintan lagala hadlay saraakiil Iiraaniyiin ah.
Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in maraakiibta wata calanka Shiinaha laga yaabo in laga dhaafo lacagahaas, balse arrintaasna weli si rasmi ah looma xaqiijin.
Illaa hadda, Xuutiyiintu ma aysan shaacin go’aan, mana jirto taariikh la cayimay oo lagu bilaabayo khidmadaha la sheegay. Laakiin, isbeddel kasta oo ka dhaca Bab el-Mandeb wuxuu si toos ah u saameyn karaa ganacsiga Soomaaliya, qiimaha badeecooyinka, iyo nolosha maalinlaha ah ee shacabka.
