Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa warmurtiyeed rasmi ah ka soo saaray shir degdeg ah oo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ay ku yeesheen magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.
Shirkan degdegga ah oo ah kulankii 22-aad wuxuu si gaar ah diiradda u saaray xaaladda Soomaaliya, kaddib tallaabooyin OIC ku tilmaantay kuwo halis ku ah madaxbannaanida iyo midnimada dalka.
OIC waxay si cad u sheegtay inay si buuxda u diidan tahay tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada dhuleed, madaxbannaanida iyo dowladnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ururku wuxuu ugu baaqay dhammaan dalalka xubnaha ka ah inay qaataan mowqif mideysan, cad oo adag, kuna garab istaagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo raacaya axdiga OIC, sharciga caalamiga ah iyo go’aannada Qaramada Midoobay.
Xoghayaha Guud ee OIC, Xuseen Ibraahim Taha, ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay khatar ku yihiin amniga iyo xasilloonida gobolka, isla markaana ay jebinayaan shuruucda caalamiga ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa kulanka ka sheegay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, amniga Badda Casna uu yahay lama taabtaan, isla markaana aan jirin awood shisheeye oo beddeli karta xuduudaha caalamiga ah ee dalka.
Shirka waxaa lagu soo gabagabeeyay laba qaraar oo rasmi ah, kuwaas oo si gaar ah u adkeeyay taageerada buuxda ee midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka Soomaaliya.
