Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay qorshe uu ku joojinayo ku dhowaad 4 bilyan oo dollar oo kaalmo milatari ah oo Mareykanku sannad kasta siiyo Israa’iil, laga bilaabo dhammaadka sanadkan
Trump ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid ay isla garteen Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, balse iibka hubka Mareykanka ee Israa’iil uu sii socon doono. Trump ayaa qorshahan ku dhawaaqay 3-dii November, isagoo tilmaamay in la soo afjarayo nidaamka kaalmada milatari ee muddada dheer ka dhexeeyay labada dal.
Tallaabadan, haddii la dhaqan geliyo, waxay isbeddel weyn ku noqon kartaa xiriirka difaac ee Mareykanka iyo Israa’iil, gaar ahaan xilli xiisadda gobolka iyo dagaalka la xiriira Iiraan ay weli saameynayaan amniga Bariga Dhexe.
Xafiiska Netanyahu weli si rasmi ah uma xaqiijin heshiiska uu Trump sheegay, mana cadda sida iyo goorta qorshahan loo dhaqan gelin doono.
Heshiiska hadda jira ee tobanka sano ah ayaa dhigaya in Mareykanku Israa’iil siiyo ku dhowaad 3.8 bilyan oo dollar sannadkii, waxaana uu soconayaa ilaa September 2028.
Isbeddel kasta oo lagu sameeyo nidaamka maalgelintaas ayaa laga yaabaa inuu u baahdo tixgelin iyo tallaabooyin sharciyeed
Qorshahan ayaa saameyn ku yeelan kara iskaashiga milatari ee Mareykanka iyo Israa’iil, iyo xisaabaha amni ee Bariga Dhexe, gaar ahaan kuwa la xiriira Iiraan, Yemen iyo dalalka Khaliijka.
Waxaa weli la sugayaa faahfaahinta heshiiska la sheegay iyo tallaabooyinka sharciyeed ee lagu hirgelin karo.
