Doorasho ayaa ka laga qabtay maamul goboleedka Hirshabelle.
Laakiin magaalada Beledweyne, doorashadu waxay ku bilaabatay mudaharaad, rasaas iyo warar sheegaya dhimasho.
Arbacadii, iyadoo codbixintu ka socotay Hirshabelle, boqolaal qof ayaa Beledweyne isugu soo baxay waddooyinka iyagoo diidan hannaanka doorashada.
Warbixinada ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex qof ay dhinteen, dhowr kalena ay dhaawacmeen kadib markii ciidamada ammaanku kala eryeen dibadbaxayaasha.
Tirada khasaaraha weli si madax-bannaan looma xaqiijin.
Laakiin maxaa dhab ahaan ka dambeeya xiisadda? Khilaafku wuxuu salka ku hayaa cidda hoggaaminaysa
Hirshabelle iyo sida awoodda loo qaybsanayo.
Siyaasiyiin iyo waxgarad reer Hiiraan ah ayaa muddo toddobaadyo ah dalbanayay heshiis siyaasadeed ka hor doorashada.
Waxay ku doodayaan in aan doorasho lagu qaban karin Hiiraan iyadoo aan marka hore la isla meel dhigin matalaadda iyo awood-qaybsiga.
Arrintu waxay sii cuslaatay kadib markii Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka, JSP, uu mar kale taageeray Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Guudlaawe
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo odayaasha Hiiraan waxay doonayaan in hoggaanka maamulka loo wareejiyo musharrax ay iyagu taageerayaan.
Haddana waxaa jira kala qaybsanaan gudaha Hiiraan lafteeda.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo odayaasha ayaa taageeraya doorashada iyo Guudlaawe, halka kuwo kale ay dalbanayaan heshiis siyaasadeed ka hor inta aan cod la dhiiban.
Sidaas darteed, waxa Beledweyne ka socda ma aha keliya mudaharaad ka dhan ah doorasho.
Waa khilaaf ku saabsan cidda matalaysa Hiiraan, cidda hoggaaminaysa Hirshabelle iyo sida awoodda loo qaybsanayo.
Doorashadu se way socoaty, codbixintu waxay ka dhacday dhowr degmo oo Hirshabelle ah,
Laakiin dhacdada Beledweyne ayaa muujinaysa heerka khilaafka doorashada.
Sanduuqa codbixinta ma xallin karo khilaaf siyaasadeed haddii dhinacyada muhiimka ahi aysan ku heshiin xeerarka iyo hanaanka.
Suaashu waxay tahay, doorasho aan heshiis lagu ahayn ma keeni kartaa matalaad la isku raacsan yahay?
