Munaasabadda caleema saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi… waxay ahayd mid si heersare loo qabtay.
Madashan waxay isu keentay madaxda dowladda, mas’uuliyiin, mucaarad, iyo duubab dhaqameed—dad kala aragti duwan, mararka qaarna si adag isu diidan.
Madax Dowladda | Mucaarad | Odayaal Dhaqan
Waxaa si joogto ah loo adkeeyay hal qodob: in aysan tani ahayn madal siyaasadeed… balse ay tahay mid dhaqan. Waxaa lagu celceliyay “tani waa madal dhaqan, waana mid ka fog siyaasadda”
Laakiin su’aashu waxay tahay—ma suurtagal baa in siyaasadda laga reebo meel ay siyaasiyiin joogaan?
“Dhaqan mise Siyaasad?”
Ra’iisul Wasaarihii hore, Xasan Cali Kheyre, ayaa si cad u yiri: “Madashan waa madal dhaqan oo ka caggan siyaasadda.” ayuu yiri Xasan Cali kheyre
Waa hadal ujeedada madasha qeexay, laakiin daqiiqado kadid siyaasiyiinta waa iscelin waayeen oo ka maarmi waayeen inay siyaasad ka hadlin
Ra’iisul Wasaarihii hore, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa hadal si toos ah u taabanaya siyaasadda iyo madaxda dowladda ku yiri. “Dalkan maanta saaxiibkey Xamza iyo odaygaba waxaa u haray 19 maalmood iyo 6 saacadood.” ayuu yiri Rooble
Waa hadal miisaan culus leh, waana mid aan ku habboonayn madal la sheegay inay ka fog tahay siyaasadda. Jawaabtuna ma aysan daahin.
Ra’iisul Wasaaraha xilka haya, Xamza Cabdi Barre, ayaa ku bilaabay oraah Carabi ah:
“Li kulli maqaamin lahu maqaal” ayuu yiri
Waa fariin cad—madashan looguma talagalin siyaasadda.
Laakiin haddana… isaga laftiisu wuxuu sii watay jawaabta siyaasadeed,
wuxuuna yiri: “War la sii ogyahay xiisa maleh.”
Halkaas waxaa ka muuqataa xaqiiqda dhabta ah— in siyaasigu si fudud uga baaqsan karin ka hadalka siyaasadda
Munaasabaddan waxay ahayd mid mideysay dad kala fogaa—taasina waa natiijo aad u fiican
Laakiin sidoo kale waxay daaha ka rogtay run kale: in xitaa marka la isku raacsan yahay in la iska ilaaliyo siyaasadda…ay hadana si dabiici ah u soo dhex gasho.
Marka la isku keeno dhaqanka iyo siyaasadda…su’aashu ma ahan in siyaasadda la joojin karo—
balse waa sida loo xakameeyo.
