August 12, 2026


Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ma sii joogi karaan…haddii aysan helin shidaal, raashin iyo gaadiid? Ama adeeg caafimaad oo lagu daadgureeyo dhaawacyada? Tani waa su’aasha ugu weyn ee maanta hortaalla howlgalka AUSSOM.

Sababtoo ah muddo shan bilood gudahood ah, waxaa isbeddel weyn ku iman kara qaabka howlgalkaasi u shaqeeyo. Waxaan horay idiinku soo gudbinnay in Mareykanku go’aansaday inuu joojiyo maalgelinta nidaamka saadka ee Qaramada Midoobay marka la gaaro dhammaadka 2026.

Maxaa xigi doona?

Howlgalka AUSSOM wuxuu sii haysan karaa oggolaansha siyaasadeed… Laakiin waxaa meeesha ka baxaya adeegyada aas-aasiga ah ee howlgalka ku shaqeeyo.

Adeegyadaasi waxaa ka mid ah, shidaalka ciidamada, raashinka, gaadiidka, dayactirka qalabka iyo daadgureynta caafimaadka ee ciidanka dhaawacma. Miisaaniyadda adeegyadaas ayaa lagu qiyaasaa in ka badan 500 milyan oo doollar sanadkii.

Tan iyo 2007

Howlgallada Midowga Afrika ee Soomaaliya waxay ku taagnaayeen saddex tiir. Ciidamo Afrikaan ah. Maalgelin caalami ah yo saadka ay maamusho Qaramada Midoobay. Hadda, mid ka mid ah tiirarkaasi ayaa halis ugu jira inuu meesha ka baxo.

Waxayna arrintani ku soo beegmaysaa xilli Al-Shabaab ay kordhisay weerarradeeda, halka khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya ay weli jiraan.

Haddaba…xal ma jiraa?

Khubaro ayaa soo jeediyay hannaan ku-meel-gaar ah, kaas oo ah in la abuuro nidaam cusub oo isku daraya maalgelin Afrikaan iyo mid caalami ah. Halka Qaramada Midoobayna ay sii waddo bixinta adeegyada ugu muhiimsan ee saadka.

Leave A Reply

Exit mobile version